Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

XUKUUMADDA SIILAANYO EE QABYAALADAYSAN IYADAA TAGI EE AWDAL KA TAGI MAYSO S/LAND.

$
0
0

article-marketing-300x1991Mudane Siilaanyo wuxu ololihiisa ka bilaabay Gar-adag oo uu ficil isugu geeyey si ay reernimo ugu tashadaan iyo sidii uu xukunka ku heli lahaa, taasi waxay sabab u noqotay in markii uu xukunkii qabtay ay si toos ah ugu shaqayso qabyaalad cad oo toos wax loogu kala qaadanayo haddii ay tahay darajo ama mansab dowladeed, mashaariic, qandaraasyo.  Run ahaan qabiil kuma wada macaasho haddii ay tahay reer gar adag iyo haddii ay tahay beesha dhexeba, laakiin waxaa abuurmay koox gaara oo u tafa xaydan sidii ay hanti urursi iyo awood loo isticmaalo si qaldan ugu dhaqma si ka fool xun dawladdii milatariga ahayd.

Markaad eegto qaabka ay u dhaqmayso xukuumaddani waxay shaki kaa gelinaysaa ka sii mid noqoshada S/land, haddana waxaad xasuusanaysa in ay muddo gaaban tahay oo ay iyadu iska tagi doonto ilaahay idan kina maamul dhaama oo dadka caddaalad ku dhaqaa iman doono.

Anu ma qabo in qabyaaladu noqoto aasaaska wax lagu qaybsanayo, waayo bahasaasi meelna ma joogsato oo marba meel bay kula gaalaysaa, waxaanan u arkaa uun in ay tahay wax lagu danaysto.   Waayo Siilaanyo markuu Daahir ka ridanayey wuxu lahaa anigaa SNM ahaa oo dalka xoreeyey ee ninkii NSS ta ahaa mar labaad yaanu iga helin ee iiiga hiiliya. Dagaal adag oo Garadag ka bilaabmay markii dambana tolaayeey yaa Isaaqa yidhi ayuu ku yimi, laba bilood markuu xilka hayeyna Gabilay oo ugu jibbo badnayd ayaa kabo ku salaantay.

Maanta profaysar samatar oo colaadii iyo nabaddii toona aan dadkiisii xasuusan ayaa markuu dabada dhulka ku dhuftay Axyaa Soomaaliland waa dhulkaygii yidhi oo ku suguuday, run ahaana anu waxan u arkaa uun nin kalidii noole ah oo iskii u shahaadad weyn, soomaalina aan wax tarin laakiin imika usoo xaytay sidii uu kursi uga heli lahaa meel uun kollay Juba Land tahay.

Intaaba waxa igaga daran maanta cabashada awdal ciiddaas ayay leegtahaye, min Saylici iyo wasii ro kale ilaa Garaad oo ah nin da’ weyn xog ogaalna ah, iska daa waxay ii raadiyaane kooda ugu da wayn maanta dhag la qabto male oo kursigaa kala wayn wax walba.

Maalintii doorashada deegaanka reeruhu way tartamayeen oo xisbiyada ayaa kala xoog badnaa qolada, maalinti ay soo baxeen xildhibaanadii deegaankuna waxa la tiriyey jilibyadooda, xisbi kasta haka soo baxane markaasay reero noqdeen.

Marka aan anigu waxaasoo dhan eego qabyaaladda sidaa uguma sii talax tagayo ee waxaan is odhan lahaa malaha inaan ku ducaysano kuwo daacadda ilaahow noogu dhiib dul iyo hoosba.

Ibraahim Cabdalle

Hargeisa


Ma laga yaabaa in Prof. Ahmed I. Samatar waxa uu Xamar ku soo arkay wax ka daran ku soo arki doono somaliland.??

$
0
0

 Dhibta jirta ayaa ah marka Somaliland wax la qaybsanaayo,  beesha dhexe waa wada mujaahid,  way soo wada halgameen,  waa wada waddani,  iyaga ayaa waxkasta xaq u leh, dadka kalana waa faqash,  waa kuwii Siyaad Bare taageeri jiray, waa somaliland diid,  waa Awdalstate,  waa khaatumo state,  waxa ay u socdaan soomaliwayn.  

Balse marka Somaliland ictiraaf loo raadinayo  ama la difaacayo,  dadku waa siman yahay,  waa wada waddani ninna waxba laga ma leh,  SNM iyo Mujaahid wakhtigisii  waa laga soo gudbay  dhulka Somaliland boorama ayaa ugu mudan, waa howgii nabadda, waa hoygii dowladda aan ku najaxnay dhidibada loogu taagay,  waa howgii aqoonta , reer Laascaanood iyagaa la la’yahay ee waxkasta waa loo hayaa ee hayimaadaan,  oo ha qaataan waxkasta oo ay rabaan, ku waasi waa weedhaha isburiya ee  soomaaliland yaala.

 

Hordhac.

Nolosha adduunyadu waa mowjado baxaa dagaya,  oo u baahan in siyaabo fara badan loo macneeyo,  inkasta oo inta macnayn kartaa yartahay.  Haddana aqoon-yahanka fogaaday waa ilayska caalamka,  waa nolosha bulshada(nations),  waa kan innoo macneeya halka aan u socono iyo kalka aan ka nimid,  waa kan innoo tilmaama mowjadaha aan dhex soconno qaabka ugu fiican ee aan u dhex dabbaalan karro. Haddaba bulshada liibaantay waa tan dhagaysata ee ku dhaqanta tilmaamaha iyo talooyinka aqoonyahankeeda. Balse Haddii tilmaantiisa la qaadan waayo maxaa dhaca?  waxaa dhaca burbur qaran,  haddii uu kaasi dhacana waxaa qasab ku ah in aqoonyahanku soo galo siyaasadda si uu ummadda u badbaadiyo markaa waxaa laga yaabaa isaga oo raba inuu umadiisa badbaadiyo inuu la kulmo wax yaaba ka yaabiya,  islamarkaana uu markiiba ka niyad jabo siday wax u socdaan. Haddaba hadduu meeshaa isgaga tago oo u samri waayo malagayaabaa meesha kale ee uu tago inuu ku arko  wax kasii daran oo ka yaabiya ?

 

Ububcda maqaalka

Akristoow waxa aan  wada ognahay in halyeyga soomaliyeed ahna aqoonyahanka caalimaga ah Pro.Ahmed I. samatar uu magalaada muqdisho kala soo kulmay wax siyaasad lagu sheegay oo aad u qaabdaran taasoo dhab ahantii dhaawacday hankiisii ahaa in uu dhulka ka qaado soomaalida dhiigbaxday. Pro. samatar waxaan ognahay in qofkasta oo soomaliyeed oo damiir fiicani uu naftiisa ka jecelyahay ilaahayna u ka baryo inuu bal  mar uun hoggaanka dalka qabto si uu ummadda dulliga uga saaro. Balse nasiib darro maanta maaha maalintii qofka damiirka fiicani ka shaqaynayay siyaasadda soomaliya waa maalin ay shaqeeyaan damiirlaawayaal, wax madaneeyeyaal iyo laaluusha qaatayaal markaa dadku waxay aaminsan yihiin inayna ahayn maalintii Pro. Samatar oo kale siyaasad u tartamilahaa.  Laakiin haddana haddii uu is haysan kari waayey waxa ay u tukanayeen inuu ku guulaysto mayse dhicin. Taasi waxa ay keentay  inuu is yidhaa malaha xagga soomaliland ayuu wanaag jiraa oo aad ummadda wax uga qabankartaa?

 

 

Haddaba somalilanad maxaa yaala? Somaalilanad waxaa yaalla wax ka sii daran waxayaabaha xamar yaala  ee Prof. Samatar  la yaabay dowlad beelo dhisanayaan oo laaluush laysku dooranayo,  hase yeeshee  maanta waxa uu tegey dowlad  hal qabiil  samaystay  oo qabyaaladda iyo caddaalad darrada ka jirtaa aysan meel kale adduunaka ka jirin. Markaad eegto qaab dhismeedka dowladda iyo sida loo qaybiyay kuraasta dowladda Somaliland,  waxaad mooddaa inaan cidkale waddanka degin. wax kasta waxaa isku filaysiisey beesha dhexe oo iyadu sheegata inay waddanka u soo halgantay iyo wax halgan la yidhaahdo oo magacyo badan loogu yeedho ( sida Mujaahid oo macnihiisu yahay ka wax dila, Jabhad SNM iyo wax la mid ah ),  dadka kalena lagu dulmiyo. Dadka fara kutiriska ah ee maamulka Somaliland   (0.05%) ka ah,  ee aan beesha dhexe ahayn ee la shaqeeyaana waa dad aan go’aan qaadan karin, oo aan waxa ay doonaan soo bandhigi karin, haddii ay  fikirkooga tahay iyo haddii ay baahida dadka tahayba , doonisdooda iyo shaqadoodaba aan midnaba xor u ahayn. Dhibta jirta ayaa ah marka wax la qaybsanaayo beesha dhexe waa wada mujaahid  way soo wada halgameen waa wada waddani iyaga ayaa waxkata xaq u leh, dadka kalana waa faqash waa kuwii Siyaad Bare taageeri jiray waa somaliland diid waa Awdalstate waa khaatumo state,  waxa ay u socdaan soomaliwayn.  Balse marka Somaliland ictiraaf loo raadinayo  ama la difaacayo dadku waa siman yahay,  waa wada waddani ninna waxba laga ma leh,  SNM iyo Mujaahid wakhtigisii  waa laga soo gudbay  dhulka Somaliland boorama ayaa ugu mudan waa howgii nabadda waa hoygii dowladda aan ku najaxnay dhidibada loogu taagay,  waa howgii aqoonta , reer Laascaanood iyagaa la la’yahay ee waxkasta waa loo hayaa ee hayimaadaan,  oo ha qaataan waxkasta oo ay rabaan, ku waasi waa weedhaha isburiya ee  soomaaliland yaala.

 

Dhanka kale waxaa jirta dhibaatooyin ku waas  kasii daran  waxaa ka mida  isku dhaca beelaha  tusaale ahaan hadii beesha dhexe ay beelkale isku dhacaan waxay ciidamada soomaliland sitoos ah ula safdaan beesha dhexe matalan waxaa jirtay dad dhowr jeer si islaanimada ka baxsan lo laayay ku waas ka soo jeeday G/awdal  laguna laayay Gabiley agagaar keeda qaar iyaga oo safara oo jid socda ayaa lalaayay halka qaarkalana iyaga oo habeen iska hurta oo nabad ku seexday lalaayay.  Hadaba reerhihii dadka laga laayay dhowr jeer ayay isku dayeen inay aargoostaan gaar ahaan nimankii lagu laayay seemaal (ceelbardaale) laakiin waxaay si cad ula safdeen ciidamadii somaliland beesha dhexe waxayna hubka ka dhigeen oo ay xadhig ilaa hargaysa ahna ugu dareen ku wii lahaa waan aarsanaynaa  hadkaa siyaabaha kala duwan loolaayay ilaa hada cidna looma qaban magna lagama bixin xataa waxaa jirta in ciidamada soomaliland qofka ay reer awdal u kartaan ee hadal ku soo celiya in ay si badheedha utoogtaan waxna aan laga waydiinin somaliland ka hor may dhicin inta qof reer awdal ah la dilo inaan waxba layska waydiin somaliland ka dibna ma dhici toonto. Waxaa kale oo ka mida arintii kaalshaale ee barkadaha labada beelood isku dagaleen taasoo uu dagaalku markii danbe isku badalay ciidamada soomaliland iyo dadkii dhulka lahaa. Waxakale oo intaas dheer cuna qabatay dhaqaale oo saaran Gobolada Awdal iyo Salal garahaan dekadaha yar yar ee saylac iyo lughaya ku waas oo laga soo dajiyo shidaal yar oo jirikaano ku jira islamarkaana 5 KM lala soo dhabaasho bada dhexdeeda. Waxa sidaa loogu rafaaday ee u yar ee dadka nafdu baday ayaa hadana inta bebera lagu cashuuro libinlaabkeed lagu cashuuraa waa wax lala yaabo bulshada kunool awdal iyo salal habeen iyo dharaarba way ka qaylyaan cid hadalkooda wax ka soo qaadana ma jirto. Waxaa kale oo jira dhibaatooyin aan la tirin karin oo ay ka mid yihiin dhulboob ka kajira Gobolka awdal kaa soo ka  soo bilaabmay 1991 oo ilaa hadana socda.

 

 

 

Haddaba haddii Prof. Samatar Xamar siyaasad xumo ku soo arkay.  waxaa la hubaa in uu Hargaysa ku arki doono midka sii xun. Dadka reer Awdal ee Ilaahay kartida, aqoonta  iyo asuubta ku manaystayna waxa ay u samraan xaalad kasta oo qalafsan oo ay ku jiraan amma ay soo mareen, dhibkasta oo loo gaystana waxa ay u dhigtaan maalinta jaaniskoogu yimaado  Somaliland waxa ay u arkaan wax beeli iska leedahay  oo aan cid kalena  waxba looga ogolayn Prof. Ahmed Samatarna way tuseen in aanay wax Somaliland la yidhaa oo ay taageersanyihiin aanay jirin waayo tan iyo maalinkii uu Prof. Samatar ka soo degey Bebera waxaa sanka laga galinayay oo lala daba yaacayey oo lala horyaacayay calanka soomaaliland, laakiin maalintii taariikhda gashay ee boorama lagu soo dhaweeyay Professorka hal qof ma sidan calanka soomaliland, taasi oo ahayd  farriin la yaab leh oo ilbaxnimo ku dheehantahay.

Guntii iyo Gabagabatii  iyo farriin ku socota Pro Samatar.  Ummadda soomaaliyeed ee damiirka fiicani waxaa maanta soo foodsaray walwal aad u wayn kaasi oo ku wajahan Pro Samatar waxa ay ka baqayaan inay waayaan kii u hadli jiray , kii u damqan jiray kii tuugta tooshka ku ifin jiray ee runta sheegi jiray. Dadka ku nool qurbaha gaar ahaan Yurub iyo America  goobaha ay isgugu yimaaddaan waxaa hadheeyay doodo la yaab leh dadka qaar ayaa aaminsan inuu Prof. Samatar cadhooday oo uu rabo hadda inuu Soomaliland u ololeeyo oo uu ka soo horjeesto wada jirka ummadda soomaliyeed dadka kale oo ah 70% waxay leehihiin Prof. Ahmed I Samatar waa geesi Soomalinimadu ku weyntahay hankiisa iyo hammigiisuna way ka weynyihiin somaliland. Haddaba Pro. Samataroow  ummadda  aad ka soo jeeddo iyo ummadda soomaaliyeedba  waxa ay ku leeyihiin haka dagin faraska Soomaaliweyn,  waayo sharafdaada ayaa ku jirta sharafda ummaddaada ayaa ku jirta.  Haddaad hadafkaaga gaadhana waa guul u soo hoyatay  adiga iyo ummadda soomaalilyeed haddii ka hor wadku ku qaadana magac iyo sharaf ayaad ka tagtay mida kale marka miisaanka lagu saaro aqoon ahaan iyo aqli ahaanba waxaa ku saaran waajib aan dadka kale sarayn oo ah inaad ka dhabayso VISION kaaga ah  inaad aragto soomaali oo mid ah oo ku faanta dalkeeda , dowladeeda, dadkeeda, aboodeeda iyo horomarkeeda.taas ayaa cadaalad lagu gaadhi karaa waxii ka sokeeyaa waa qabiil qabiilkale dusha ka saaran in cadaalad la helaana waa wax aan waligeed dhicikarin.

Ahmed Sheikh Mohamed

Sweden Örebro

Ilays3392@hotmail.com

 

Qoraalkan waxa mas’uul ka ah qofka ku sexeexan.

 

Daawo Video: Sida bilicdasan ee dawladdaTurkey ay u dhisayo Magaalada Muqdisho..

$
0
0

Awdalpress – Muqdisho – Muqdisho3Muuqaalka maanta ee mustaqbalka Muqdisho loo tusmaynayo waa mid ku tusinaya in Dowlada Walaalaheeyna ee Turkiga u dooneeysa in ay u dhisto Dalkeena Somalia gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Haddaba, akhristoow dalku maanta waxa uu u baahan yahay shacabkiisa oo gacmaha is qabsada iyo  qurbo joogta Soomaaliyeed oo inta karaankooda ah dhismaha dalka ka qayb qaata,  si aan dalkeenna u dhisno isla markaana uu u horumaro.

HALKAAN KA DAAWO:

Awdalpress

Britain oo £14m ku bixineysa dayactirka Xabsiga Dhexe ee Xamar

$
0
0

britain-flagAwdalpress(Muqdisho) 23 Jun, 13–Britain waxay ku kharash gareyneysaa lacag dhan £14 million dhismaha xabsi la doonayo in lagu xiro argagixisada iyo burcad badeedda, sida uu qoray wargeyska The Sun ee ka soo baxa London.

Lacagta waxaa kaloo lagu maalgelin doonaa dhisidda maxkamado lagu qaado dambiyada.

Dayactirka iyo dib u howlgelinta Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu kaloo u sahli doonaa Britain inay dalkeeda ka masaafuriso dambiilayaasha iyo dadka looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada ee ka soo jeeda Soomaaliya.

In ka badan 400 oo dambiilayaal Soomaali ah ayaa ku jira xabsiyada UK maxaa yeellay ma jiraan xabsiyo ku yaalla dalkooda oo ay ku qaadan karaan waqtigooda.

Xog-hayaha Horumarka Caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa sheegtay in lacagta lagu kharash gareyn doono dayactirka iyo dib u dhisidda xasbiga dhexe ee Xamar oo 180 jir ah, kaas oo la sheegay in uu qaadi karo 700 oo maxaabiis.

Ms Greening waxay tiri: “Dhismaha xabsiyo iyo maxkamado laga dhiso Soomaaliya, waxaan ka caawin karnaa xulufadeenna Afrikaanka ah inay la tacaalaan dambiyada iyo argagaxisada uga imaanaya Soomaaliya.”

RBK

Wasiirka qorsheynta Somaliland oo dhallinyarada uga digay tahriibka

$
0
0

newsAwdalpress(Hargaysa) 23 Jun, 13–Wasiirka qorsheynta ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa uga digay dhallinyarada dhibaatada tahriibka iyo khatarta naftooda ay galeyso.

Wasiirka oo la hadlayay saxaafadda ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay in ay dhulkooda aaminaan oo ay ka dhur sugaan fursadaha shaqo oo ay ka heli karaan Somaliland.

Wasiirka qorsheynta ee Somaliland Sacad Cali Shire oo ka hadlayay shaqo la’aanta ka jirta Somaliland ayaa sheegay in ay ku khasabtay dhallinyaro badan in ay badaha galaan oo ay tahriibaan taasoo uu sheegay in ay keentay in qaarkood hammigooda aysan gaarin oo ay badaha iyo saxaraha ku dhintaan.

Maamulka Somaliland ayaa maalmahan wada doodo iyo shirar looga hadlayo dhibaatooyinka shaqo la’aanta ee ka jirta Somaliland iyo qaabkii ay dhallinyarada u heli lahaayeen fursado shaqo.

RBK

Anigoo tixraacaya qoraalka C/qadir Oromo ee aflagaadada ahaa FROM SOOMAALI TO SAMAROON

$
0
0

Anigoo tixraacaya qoraalka C/qadir Oromo ee aflagaadada ahaa FROM SOOMAALI TO SAMAROON.

Cadiqaadir Oromo Dareenkiisu waa Dalaguu Beertaaye

Damiirkaba Magalin Ilayn Dawladbaad Noqone

Malaha Wuu Soo Kama”ay oo Waa Kas Aadama´e

U Kaadi Dhaha Kani Waa Kun Ciil Aadmi Kala Goyee. Waxaan aad uga xumahay marka hore nin aan ku ogaa in uu yahay nin qabiil oo hadana iminka iska dhigaya nin qaran malaha qabiilka ayaa ka fiican qarankee waa waxii soomaali halkaa dhigay, waxaan ku ogaa Oromo in uu book yar yar oo aad moodo sheeko caruureed uu yidhaahdo had iyo jeer kaga hadlo Daarood iyo Hawiye, oo uu leeyahay daarood uma dhalan dhulka soomaalida ee waa lagu soo daad gureeyey hada ninkani hawiyana uma roonayno hadii uu ka waayo dantiisa waxaa uu odhan jiray maaha reer fiican tusaale waxaa iiga filan maqaalo uu ka soo qori jiray joornaalada xamar isaga oo aad u caayi jiray Janaraal caydiid markii uu ka talin jiray xamar isaga oo kolna Cali mahdi u tagi jiray kolna ka soo noqon jiray,

Cabdiqaadir waa nin aan garanayn milgaha wax qorka ilayn haduu garanayo Samaroon ma dukheeyeen mana yidhaahdeen waa reer ilaa gabdhahooda ayaa Madaxweyna raba Xaashaaye aniga reerkaagu cay igama gayo ilayn adigaa hore u caayey laakiin waxaan kuu sheegayaa in ayna hawli kaaga banaanayn adiga Profosorka Somali ugu mudan iyo Samaroonba, waxaa tamar iyo xoog in aad galiso kaaga baahan waa reerkaaga oo ah mid u baahan midnimo iyo wada jir si hormarka Somaali ku soo foole looga wada qayb qaato ama atliisti aan hawlaha badan ee soomaali hor yaala aan u fududayno tamari yey kaa galin Samaroon iyo Aqoonyahankiisee gali Galmudug , Ximin iyo Xeeb , Dhuusamareeb, iyo Guri ceel. Kuwani ayaa u baahan soomaalinimada aad ka sheekaynayso iyo qalinka aad u qaadatay cid aanay dameerkaagu ku gaarsiin ama ceel iyo biyo aadan ku kulmayn Waad aragtaa aniga oo ay iga hayso lexejeclo in ay reeraha dariskaagu midnimadooda adkaynayaan laakiin kaagii dayacan yahay sax gudahaaga oo iska ilaw Prof. Samatar iyo reerkiisan sida fiican u soo dhaweeeyey mise waa  kaa hinaase oo waad yaabtay ninkan Samatar sida ay Reer Soomaaliliin iyo Tolkiiba u jecel yihiin.

Cabdiqaadir waxaa kuu fiican in uusan  qalinku kaabaydhin oo aad xoog badan galiso midnimada gobolada dhexe ee aad moodo in ay hog ku sii dhacayaan.Waan ka naxayaa oo wada jirkoodaaan jecelahay maxaa wacay Soomaalinimada ayaa sidaasiya.

Prof. Anagaa idiin soo dirnay waxaanan lahayn ha ka faaiidaystaan laakiin waad garan weydeen sidaasi darteed ayaan dib ula soo noqonay, si aan anagu uga faaiidaysano markaa cabdiqaadirow ha ku habsaamin ee jidka kuu banaan raac .

Mid kalana waxaan idhi, waar nin aadan gaadhayn in aad tuur tuurto maahayn  waa kuma ninkaasi waa Ninka aad tidhi askari yar oo NSS ah ayuu ahaa waa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waa ( Saciimkii Soomaaliland )  waa ninkii yidhi markuu cabdilaahi yuusuf oo kaare korsani yimid Xamar ( Xamar ciidan uma baahnee Caqli ayey u baahan tahay ) ilaa iminkana waataa xamar wali  haysata , caqligiii aan idiin soo dirnayna waad garani weydeen oo reerka waxaa ka dhashay Cabdiqaadir Oromo iyo Muuse Suudi .Waxaa kale oo mudan in aan sheego rag waaweyn oo ka dhashay reerka Sida Yusuf Garaad iyo Sh. Cabdirisak Sh. Aadan iyo Daahir Calasow.

Waxaa kale oo aan u sheegayaa Mr. Oromo in dumarku ay yihiin Hooyo kuwo kula dhashay iyo kuwa aan u dhaxnay iyo kuwa aan dhalnay mana ahayn in aad tidhaahdo Dumarka Samaroon waxay wada doonayaan Madaxweyne maxaa wacay dadnimadaa ku jirta hadaad tusaale bixinayso Prof. In aad ku ekaatay ahayd.

Waa ay ka faaiidaysan wayday Prof, Samatar Muqdisho , hadii aan kala soconayna iska dhaaf hinaase la boodka iyo xaasidnimadoo, siday dadku u soo dhaweeyeen adiguna u soo dhawee, taasi ayey dantu ku jirtaaye.

Waxaa kale oo aan kuu sheegayaa in aan jecelnahay Soomaalinomada, hadii la waayana aan Jecel nahay Soomaaliliindnimada, Hadii la waayana aan jecelnahay Samaroonimada.

Qof kastaana Miraha uu beeruu guurtaa taasina  waa sabata igu dhalisay inan jaleeco mowduuca aad isku dhex yaacisay ee nacaybka iyo xuunku ka buuxo.

Hadan tixraac ku sameeyo hadalkaaga qadafta ah adigoo kasoo gudbay xadka uu lee yahay, c/qaadir oromo isagoo cadeynaya inuu yiraahdo Samaroon dhamatii waa madaxweyne doon waliba raaciyey dumarka taas o ah meel ka dhac wayn ah miyuu moog yahay Oromo imisa ilma adeeradii isku layey madaxnimo oo u dhintay oo la garanayaa iyagoo  gaari hadafkii ay lahayeen madaxana ka maray buufis madaxtinimo iyo adigoo ka qoray bugaag badan sida 10,000 toban kunleey, dhagax kariye iyo bugaag kale (waa sheeko caruureedkaagiiye)oo faro badan maanta hadad nagu tilmantay madax jeceyl waa wax looga fadhiyo ummada somaliyeed lakiin shakhsi inaad ku ekaato ayuu ku qurux badan yahay warkaagu.

Dhinaca kale hadan jaleeco propagandada aad ka faafinayo Profesorka maha mid umadu ay ku wada qanacsan tahay ama la taban karo warkaaga waxaad ka soo urusatay oo kaliya mucaaradka qofkana mucarad wuu yeelan karaa, cabirkaaga ku aadan Profseka wuxuu u eg yahay mid cadifadaysan oo aanan xaqiiqda ka hadlayn adigoon la kulmin ama la sheekeysan profesorka iyo fikirkiisa ku adan soamlinimadiisa madaama aad qoraa tahay waxaa ficanan lahayd inaad xaqiiqda si wacan ogaato oo an lagu marin hababin ama warbixin qaldan lagu siin.

Tan kale ina ku xad gudubto qofka isirkiisa ama internal affairiskiisu diinta waa ka mamnuuc oo aad ka shekeyso adigoo dadku aminsan yihiin inad tahay qoraa xun kuna soo bandhigaya fikirkiisa public, waxaan jeclaan laha inad ka ilaaliso hadalkaaga xanafta badan kana dheeraato eexda iyo nin jeclaysinimada ubad iyo caruur iyo oorina waa wax uu ilaahay uu bixiyo, maaha wax uu Oramo wax ka qaban karo, ka ilaasho ubadkaagun kolay mooryaan ayey kaa noqon ee waan arkayaa sida iimaanku kaaga maqan yahaye.

( INDHO LAGU XAQIIJIYO RUNTU ARAGA MAAHEE AAMIINKEEDA WEEYAAN )

Wabilaahi tawfiiq

Ahmed Nuri ( Ex. Cudeey)

Ahmednuri459@gmail.com

BOGAADIN DEEGAANKA SAYLAC IYO BAAQ KU SOCDA XUKUUMADDA

$
0
0

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, waa wax aad loogu farxo waanan ku hambalyaynayaa isu soo noqoshada ay isu soonoqdeen garteenna in ay gutaan waajibaadka ay u hayaan shacabka soo doortay ee degmada Saylac.

Waxaan si gaar ah u hambalyaynaaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, Md.Xuseen Iidleh Barkhadleh, dedaalkii badnaa ee uu ugalay sidii ay isuqancin lahaayeen gole ahaan isuguna iman lahaayeen si-ay-wada-jir ugu adeegaan deegaankooda.

Sidoo kale waxan hambalyaynayaa cidkasta oo qayb ka qaadatay isu soo dhowaanshaha golaha deegaanka ee Saylac, waxaa lagama maarmaan ah in wadajir waxlagu qabsado , waayo waxkala-jiidashadu way khasaare badan tahay wax faa’iido ahna ma keento.

Xukuumadda Maanta haysa talada dalka ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxan ugu baaqayaa in ay gaadhsiiso Deegaanka Saylac iyo Lughayaba kaalmada looga baahanyahay oo ay ugu horreyso biyaha iyo jidadku.  Waxaan ognahay in ay jiraan mucaawanooyin la inagu siiyey horumarinta biyaha iyo jidadka, waxaan ognahay abaaraha daba dheeraaday ee kusoo noqnoqnaya deegaanadaa xeebta, waxa qudha ee lagaga bixi karaana waa in la gaadhsiiyo mucaawanada ay xaqa u leeyihiin, iyo in la horumariyo adeegyada dhinaca biyaha iyo jidadka.

Shacabka Somaaliland gaar ahaan inta danaynaysa deegaanada Saylac waxaan xasuusinayaa in ay niyadda ku hayaan baaqii uu DUQA Saylac, Md. Xuseen Iidle ugu baaqay maalintii loo doortay guddoomiyaha oo ahaa in uu soo dhowaynayo ciddii diyaar u ah horumarinta Saylac, isagoo ballan qaaday in lagu taageeri doono ciddii danaynaysa Maalgashiga deeganka Degmada Saylac.

Waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu inoo adkeeyo nabadda iyo wadajirka shacabka.

Allaa Mahadleh

 

C/Rashid Xasan Mataan

Musharaxa M/Weyne Xigeenka – Xisbiga UCID

Africa Top 10 Problems: Not the ones You were thinking about!

$
0
0

Africa is not poor. Africa is a rich continent inhabited by poor people. Once we fix the people problem, everything else will fall into place.

In this post, I share what I consider to be the top 10 problems affecting the people ability to fix themselves and subsequently take control of their destiny.

 

1. The Poverty Porn

 

Humanitarian organization like UNICEF, Doctors without Borders, and alike have done more damage to Africa than the marginal positive impact they supposedly have had.

1

 

kevin-carter-photowork-5

 

In order to raise money for their operations, they have engaged into a “poverty porn” depicting Africa with the most degrading, and humiliating images. African people dignity is not something they cared about. The huge billboard and magazines photos showing Africa at its worst now fill the mind of billions of people around the world, and unfortunately those people can’t help but think about Africa only trough those images. (In the same time, those medias won’t show the photo of a dead American or English soldier, because it’s shocking and doesn’t respect human dignity)

2

underwear-for-africa-april-09Underwear-for-africa

The worst consequence of this “free publicity” is the way it has deeply impacted Africans self-perception and self-image.

 

For example, It’s common in France for African immigrants who are having problems with their teenagers to threat them “If you’ll continue to behave that way, you’ll be sent back to Africa”, meaning “We will send you to the hell you have seen on TV or in the Newspaper”.

 

The “Poverty porn” of the NGOs, the humanitarian organizations, and Western medias is the problem number one because it sabotages Africans self-image, weakens their sell-confidence and resolve, and contributed hugely to the hate and racism Africans face all over the world.

Black-Racism-Sweden-cakeSwedish minister in ‘racist cake’

2. International Aid

If foreign aid would develop any place, Africa will be the most developed continent in the world.

3

5-Stars-Colonization

International AID is now doing more harm to Africa than good. It became the main tool used by foreign governments and organizations to corrupt the African elite, and get them to behave so irrationally toward their own populations and the basic interest of their countries.

 

Aside corruption and the criminality, International Aid is the root of the 5 Stars colonizationdisease that cripple the African elite which dislike the responsibility and the self sacrifice that comes with being in control of a nation destiny. As far as they enjoyed the status offered by their positions, they never liked the responsibilities demanded by the jobs, therefore they use international aid programs as substitute to their responsibilities.

 

If Africa needs any aid, the most urgent one is to get rid of the 40 billions corruption industry (called International Aid) that shackles its youth and elite, cultivates and maintains the beggar mentality.

4

ukaid-in-Africa-villages

How would you develop any country when the dream of the majority of its youth and elite is not entrepreneurship, innovation, education and self-sufficiency, but the dream to have a job with a humanitarian organization or to get their project financed by some International aid Agency or proxy.

 

3. International Medias

 

A friend of mine recently told me that the “Global Lying System” (referring to the western medias covering African news) is one of the biggest threat to peace and development in Africa.African tribes are created in London, Brussels and Paris by journalists.

BBC-Lies-hour

The colonial heritage of those journalists (unless they are instructed to do so) makes them to see Africa only as a collection of tribes and focus their coverage on what they call as tribal issues. They create new realities like “People from the North” compared to “people from the South” or “people from the West”. They invent new divisions with creative imagination, like the Belgians falsely created the “Tutsi” and “Hutu” tribes in Rwanda which ultimately lead to the genocide in 1994.

 

The western medias seems to follow an agenda of further dividing African nations and populations with their constant framing of Africa through fight between tribes, religions, geography, etc. This must stop before African could unite to fight their way out.

 

The influence of western medias in Africa is very negative, and could be considered as part of Africa problems.

 

The second most negative effect of the western medias in Africa is that they tend to focus their attention on what the Europeans or the White people are doing in Africa or for Africa, and how they are saving Africa, therefore continuing to create the false impression that Africa is a hopeless place with lazy people that could be saved only by the white man.

5

Madonna in Malawi

What you often see is a white man helping African or an outsider making change in Africa. That’s bad, and perpetuate the feeling that Africans are incapable to solve their problem by themselves, and reinforce in the mind of the young people and generation “the white man as a savior” mentality. Very Bad!

Panel of experts on Africa developmentPanel of experts on Africa development – Africa Without Africans

 

 

4. The Colonial Borders

 

The current African countries borders are nonsenses. A study done in the years 70s showed that African nations had less trade between themselves than before colonization (How Europe Underdeveloped Africa). The situation has not change much since then.

Colonial-Africa

There is no immediate solution, but initiative like the African passport or Visa would greatly improve the movement of people and increase the potential of intellectual and commercial exchanges.

 

5. Ignorance of the Books of Machiavelli, Hegel & Darwinism

 

The western elite that currently rules the world has 3 majors intellectuals influences: Machiavelli (How to rule over people with cynicism and deception), Hegel (using the Hegelian dialectic of history they consider the western civilization as the end of history) and Darwin (the Survival belongs to the fittest, therefore the white race should stay at the top and rule over other races).

You-are-with-us-or-against-us

Anyone who wants to understand the intellectual principles that are shaping our current world, should deeply understand the above 3 authors and their influence on the western elite.

Maya Angelou always advise the African-American elite to read The prince of Machiavelli, because, she said, without a proper understanding of this book, you won’t understand the western elite. The Prince is their bedside book. it contains the main principle all imperialist applies: “If you want to control the people, separate the people and you can rule them. Divide them and you can conquer them.”

The ignorance by the African elite of the principles by which the western Elite think and act is a major cause of their permanent naivete and incompetency.

 

6. The Rich Subaltern Mentality

 

There are two kinds of people in Africa, those who can’t make a living regardless of how much they put in, and those with lavish lifestyle and privileges regardless of how little they contribute.

 

The first group is made of those who has not contact with “white” people, and the second is made of people who has contact with “white” people.

 

If you live in Africa or know some African people, make a list of 10 people you know or have heard about who have a “good life” and social privileges. You’ll quickly find out that 90% those who have a good life are people who work for the “white” or with the “white”. They serve foreign-owned or controlled companies, organizations or foreign NGOs in Africa. They have big houses, nice cars, home servants, and enjoy high social status and privileges.

 

I call those the “Rich subalterns” or the “Selected subalterns”. (“White” in Africa is used for “European”, “Chinese”, “Lebanese”, “American”, etc. In the context of this article it could be easily replaced by “foreigners”.)

 

What is the problem?

 

The problem is that you can’t develop a country or continent where the majority of people who have the potential to become leaders are raised to be “good subalterns” to be successful.

 

Rich-subalterns

 

Young people aspire to emulate the most successful models in their society, and now the only visible and tangible model available is the rich subaltern model.

 

There will be no problem with the rich subaltern model if this group of population was not made mainly with “non-productive” people working in middle management position. Middle managers in office don’t create companies, they don’t create value, they don’t create jobs, they don’t invent, innovate or act in leadership position with the power to change things.

 

7. Lack of Domestic Leadership Education

 

Africa is not poor, Africa has a leadership problem. For any society to prosper it should have a endogenous system of identifying, training and coaching its future leaders. Some countries do it through their military services, some do it through elite schools, and some others do it through informal coaching and assistance organizations or secret societies.

Solomon

The main issue about Africa leadership is not the quality of its individuals, but the quality of the group of individuals. Individually there are lot of brilliant people, but collectively they fail to work together harmoniously on long term vision, and commit with integrity and loyalty to their country or long term vision.

 

The reason behind this failure is that most the so called leaders are trained outside their country and context, by people who has no knowledge of the context in which their leadership skills would apply. Additionally, the heterogeneity of the systems in which they have trained make it difficult to make them work well together.

Ennemi-within

Domestic leadership education systems and programs that raises in the same place and contextfor a long period of time a whole generation of new leaders is the way to go.

 

8. Lack of Science & Engineering Education

 

A study done few years ago at the Standford University (I’m struggling to find my source) demonstrated how colonial powers tend to drastically reduce the study of science and engineering in the countries they have occupied. They would favor literature and subaltern studies that would make the graduates just good enough to assist them in running the colonies or the occupied countries.

BinaryCode

Results, Africa has a lot of “talkers”, people with oratory prowess. Now, We don’t need more of those lawyers, sociologists, philosophers, but more scientists and engineers.

 

9. Lack of International Intelligence network

 

Africa knowledge of the world is very limited. I’d agree that most of my fellow Africans have very little idea of the world they are living in, specially the forces and trends that are shaping it.

intelligence-wisdom-and-education

This lack of intelligence is bad, because it leaves the continent unaware of events and shifts that could affect it.

 

10. The Crab Mentality

 

If you put several crabs into a bucket, and if one of them begins to crawl out, one or more of the other crabs will put it back down and prevent its escape. It’s called Crab Mentality.

 

This is a good metaphor for us as Africans to Unite and create strong networks that support each other, while avoiding the Judas goats.

Judas-goat

By: 

 

 

 

 


Daawo: Suldaanka Beesha Tumaal ee G/Awdal Suldaan Dhuxul oo kulan la yeeshay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, kulankaasi oo ka dhacay Qasriga uu Boorama ka degen yahay Ugaaska Gadabuursi

$
0
0

57Daawo : Suldaanka Beesha Tumaal ee G/Awdal oo kulan la yeeshay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, kulankaasi oo ka dhacay Qasriga uu Boorama ka degen yahay Ugaaska Gadabuursi..

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Hadlay Dilalka Iyo Dhibaatooyinka Loo Geysto Ajaanibka Dalkiisa Ku Nool

$
0
0

meydadAwdalpress(W.Wararka) 23 Jun, 13–Madaxweynaha Koofurta Afrika, Jacob Zuma ayaa ka hadlay dilalka dalkiisa loogu geysto dadka ajaanibka ah ee ku nool dalkaasi oo ay ka mid yihiin Soomaalidu, waxaanu sheegay in weerarrada lala beegsado dadkaas ay xal u raadinayaan. Jacob Zuma ayaa sidaasi ka sheegay Baarlamaanka dalkiisa oo uu hor tagay, su’aalana laga waydiiyey arrintaasi.. “Ajaanibta ku nool Koonfur Afrika dhammaantood si isku mid ah ayaa loola dhaqmaa, Soomaalidana waxba kagama duwana, ilamana aha inay la kulmaan dilal iyo dhibatooyin kale, balse waxaan qirayaa inay jiraan weeraro mararka qaar ay la kulmaan, kuwaasina xal ayaa loo heli doonaa,” ayuu yidhi madaxweyna Koonfur Afrika. Sidoo kale, Zuma oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibta ah ee dalkiisa ku nool ayaa xusay in hadalka sida loo dhigayo aanu ahayn, iyaguna ay dedaal u galayaan sidii dhibaatooyinka jira loo xallin lahaa. “Ma aha mid la qarin karo in weerarro ay ka dhacaan gobollada ay dadka aan dalkan u dhalan ku nool yihiin, balse taas xal ayaan u raadinaynaa, waa in la joojiyaana ka bad-badinta arrintan,” ayuu Zuma kaga jawaabay su’aal ay u soo jeediyeen mudanayaasha qaarkood oo ahayd in dadka ajaanibta ah si xun loogu dilo dalkaas laguna boobo hantidooda.Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa bishan oo keliya lagu dilay in ka badan lix qof oo Soomaali ah, kuwaas oo mid ka mid ah dhagax lagu dilay, iyadoo tani ay keentay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbato xukuumadda South Africa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas. Hadalka madaxweynaha Koonfurta Afrika ayaa walaac hor leh ku beeraya dadka Soomaalida ah iyo ajaanibta kale ee dalkaas ku nool, kuwaas oo hore ula kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ay kula kaceen dadka dalkaas u dhashay iyo weliba kooxo budhcad ah.

Source: W.Wararka

Dagaallada u dhexeeya qabaa’ilka Soomaalida Kenya oo horseeday xayiraado dhanka safarka ah

$
0
0

yussuf_haji_24062013Awdalpress – Mandheera – Dagaal beeloodyo u dhexeeya qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Soomaalida Kenya ee waqooyi bari ayaa sababay inay socon waayaan gaariyaashii basaska ahaa ee qaadi jiray dadka isaga kala goosha deegaanada gobolka iyo caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Waxaa maalmihii u dambeeyay socday waanwaan lagu doonayey in lagu soo afjaro colaadaha ka taagan Mandheera iyo Wajeer oo ay wada dagaan beelaha Degoodiga iyo Garraha, kuwaasi oo isku dhacyo dhex mareen kadib muran ka dhashay doorashooyinkii qaybaha kala duwan ee jagooyinka dalka oo dhacay bishii March.

Waxaana murankaasi u horseeday in dagaallo dooxataysi ah ay dhex maraan dhinacyada deegaanka, iyadoo mudanayaasha laga soo doorto gobolku ay ku eedeeyeen ciidamada ammaanka ee Kenya inay ku guul darraysteen sugida ammaanka iyo soo qabashada maleeshiyaadka hubaysan.

Hogaamiyayaasha gobolka laga soo doorto ayaa haatan isku dayaya inay dhexdhexaadiyaan labada qabiil ee dirurtu u dhexayso, iyadoo axadii shalay ahayd ay Nairobi kulan ku qaateen qaar kamid ah xildhibaanada iyo senatarrada gobolka oo ay hogaaminayaan Wasiirkii hore ee difaaca Yuusuf Xaaji oo haatan ah Senatorka Gaarisa County iyo hogaamiyaha isbahaysiga aqlabiyada ee talada dalka haya Aadan Barre Ducaale.

Waxayna mudanayaashani ku baaqeen in dagaalka si dhakhso ah loo soo afjaro, ayna labada dhinac xushmeeyaan natiijooyinkii doorashadii dalka ka dhacday ee lagu dooranayay lix jago oo kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaanada, senatorada, godoomiyaasha gobollada iyo jagooyinka haweenka loo qoondeeyay.

Waxaa arrinta sii murjiyay markii ay kooxo hubaysani weerar ku qaadeen bas mararay deegaanka Wajeer kaasoo ku sii jeeday magaalada Mandheera, waxayna taasi keentay in gabi ahaanba uu joogsado isu socodka gaadiidka ka baxa Nairobi ee taga magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera iyo kuwa dhinaca kale kasoo baxa.

Dagaalka intiisa badan ayaa ka dhacay deegaanka Tarbaja oo ka tirsan Mandheera, ilaa iyo haddana ma jirto wax xal ah oo laga gaaray.

HOL

Djabouti : Culimada qiimaha leh ee maanta Djabouti lagu xidhay mid ka mid ah oo aad aqoontiisa ku raaxaysan doontaan ayaan idiin soo gudbinaynaa ee ku soo dhawaada.

$
0
0

Sheekh Abdirahman Bashir waa caalim ku talax tagey aqoonta islaamka, waxanan idiin doornay in aan idiin soo gudbinno cashar ku saabsan raaxada qoyska oo uu mar hore ummadda Somaliyeed u gudbiyey, ku soo dhawaada.

Qaybta koowaaad iyo ta labaad oo is daba taal

Qaybtii labaad.

Awdalpress.com

Samatar’s Hero’s Welcome in Somaliland Has Him Walking a Tightrope. ( By Bashir Goth )

$
0
0

Ahmed-Ismail-SamatarProfessor Ahmed Samatar represents different things to different people, but one thing that undeniably dominates his character is that he is an eminent scholar seeking to revive common decency and good values in the Somali people. However, the rapturous welcome and adulation that he received during his much awaited homecoming to Somaliland may have raised more questions than they answered. The root cause of such bewilderment is the different expectations that the various sectors of the Somali people have about the outcome of the professor’s country-wide tour and the rationale behind his decision to visit Somaliland despite his well known political position as an ardent advocate of Somali unity.

Famous for his unmatched eloquence and brilliant scholarship, Ahmed Samatar has until now skirted the thorny issues and instead concentrated on his long term mission of bringing political and cultural enlightenment to the Somali people, particularly by engaging with local universities, community leaders and women and charming them with his suave manners and Aristotelian persuasion.

I will, therefore, try in this piece to look at the different perspectives that the different sectors of the Somali people might have regarding Ahmed Samatar’s visit.

The Professor’s fox perspective:

Inspired by the Greek poet Archilochus who said: ‘The fox knows many things, but the hedgehog knows one big thing’, Isaiah Berlin, the eminent 20thC social and political theorist, had categorized people into “hedgehogs” or “foxes” in his a famous essay entitled “The Hedgehog and the Fox”.

In real life, according to Berlin’s theory, we know that when in danger the hedgehog rolls into a ball, exposing its pointed spikes outward as a defense mechanism, but the fox uses many tricks to deal with threats and to fight for its survival. This means that some people like to deal with the world as it is, in one single approach. They fear change.

Such people like to be ensconced in their comfort zone, even if the comfort zone is proved to be an illusionary one. These are the hedgehogs. On the other hand are people who take a liberal and multidimensional approach to the world. They are ready to change when new realities unfold and when they gain new information that is more credible than the one they had before.

Accordingly, I could say that Ahmed Samatar belongs to the Fox category as he looks at the Somali issue through a liberal and pluralist prism and refuses to tie himself to a procrustean view.

He stood for and I believe still stands for not only the unity of the Somali people but also for advocating the establishment of justice, liberalism and democratic norms as well as common decency in the body politic of the Somali nation.

But since he started his herculean enlightenment mission among the Somali people he has worked under the assumption that the key to the solution of the Somali problem was to be found in Mogadishu. He saw Mogadishu as the head of the Somali body and thought that if a magic cure was found for the head then the rest of the body would regain its health and strength. But when he ran for Somalia’s presidency in September 2012, he witnessed the messy, corrupt, and harshly nomadic way of practicing politics in Mogadishu. He then realized that Mogadishu after all was not the key to the solution but indeed the root cause of the Somali plight. This was a crucial moment for Ahmed Samatar’s relentless political advocacy for the Somali cause.

Naturally, two options could have crossed his mind; to quit politics for good or to change course and being a conscientious scholar who couldn’t just sit down and watch his people wander lost in a political wilderness, he chose the second option; to change direction. Remember as a thinker of the fox category who looks at issues from different approaches and different perspectives, Ahmed Samatar knows how to make a detour when he faces a dead-end. The decision was neither an easy one nor an expedient and a sudden change of heart as some people might like to think. But it was a hard decision that came to fruition after a long deliberation and cautious research.

There is an anecdote that when John Maynard Keynes, seen as the most influential economist of the 20th century, was once accused of changing his positions on economic issues , he is attributed to have said: “When the facts change, I change my mind. What do you do, sir?” and a Somali proverb says: “Laba tallaabo dhexdooda ayey talo ka dhalata,” or “War la helyaaba, Talo la hel.”

Ahmed Samatar decided rightly and boldly to go to Somaliland to achieve several objectives.; First, to educate himself about the reality of Somaliland; to see, hear and witness how deeply and passionately the Somalilanders feel about their secession claim and secondly, to explore how strong the foundations were of Somaliland’s unique experience with democracy and government building. Lastly, the trip was more of a personal healing for him than a political adventure as he wanted to relive his childhood memories of the country.

Somaliland’s hedgehog perspective: 

Due to their intransigence and fixation on independence, the people of Hargeisa and central regions can be counted in the category of the hedgehog. Just like the hedgehog they have only one big issue in mind: the recognition of Somaliland. This is why they saw Ahmed Samatar’s visit as a moment of victory. History shows that political causes rarely take off the ground if they don’t win the advocacy of prominent and visionary scholars of international standing. Ahmed Samatar is on par with scholars such Noam Chomsky, who gallantly campaigned for the cause of East Timor, Edward Said who popularized the Palestinian and Arab causes through his heroic scholarship, Eric Reeves who untiringly fought for the independence of Southern Sudan and others. This is why many people in Somaliland saw that winning Ahmed Samatar’s voice and scholarship on their side was akin to winning international recognition for their independence and would deal a blow to Mogadishu’s credibility.

The Professor’s homecoming, however, has exposed a great psychological abyss between the Awdal communities and those of Somaliland’s central regions.

The communities of Somaliland’s central regions are known for their directness and clarity. They either love you passionately or hate you passionately. Their character is black and white, and has a little or no gray areas in between, what you see is what you get. They are very generous with their feelings and very forgiving once misunderstandings are sorted out. Remember (Kal laxeeba baan leeyihiyo laabta xuunshada…). They are straightforward and loud with their intentions. They all came out to welcome the Professor but they made their intentions clear to him without any reservations. Hence, teasing him with Somaliland’s flag was not for a joke.

The people of Awdal on the other hand are all about gray areas. You will never know whether they love you or hate you (Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay…). They are stingy with their feelings, opaque and reserved with their intentions. The fact that they carried no Somaliland flags while welcoming the Professor but they all chanted in unison with him when he shouted “Somaliland ha noolaato” (Long Life to Somaliland) is itself a good example of their enigmatic personality. Are they loyal Somalilanders or are they not, the jury is still out.

Awdal Community’s fox perspective 

The people of Awdal gave a hero’s welcome to Ahmed Samatar as they thronged out in their thousands to the streets, singing, dancing and carrying his pictures. The ecstatic crowds that filled the streets in the villages and towns on the main highway from Dilla to Borama city was a strong political statement with multiple messages or “Dhagaxaan tuurow, todoba dilow, toddoba duqood” as a friend who called me from there described the feeling of the people.

First, it was a show of force and a strong message to Mogadishu where the Professor failed in his bid for Somalia’s presidency despite being a formidable candidate with a powerful political agenda and vision for Somalia.

Second, it was a candid expression of admiration for what they saw as his courage and principled stance over the years in being an advocate for Somali unity, a secret yearning that most Awdalians keep close to their heart despite their ostentatious support for Somaliland, part of Awdal people’s enigmatic character.

Third, the Professor’s arrival has cemented the unity of the Awdal community and has given them the hope that he would be a powerful voice to champion their rights in Somaliland and beyond.

The Professor’s Message to Somalia 

Finally, Professor Ahmed Samatar’s return to Somaliland sends a strong message to Somalia that Mogadishu cannot have it both ways. It cannot be the capital of Somalia and project an image of inclusiveness and national identity to the outside world while at the same time it practices a politics of exclusion and clan profiling. It says Mogadishu has a choice to make; to be a place where every Somali child no matter where he is born can have the right to dream to rise to its leadership or permanently doom Somalia to its current fate of cantonization.

Obviously in Somaliland, Professor Ahmed Samatar has a tightrope to walk. Time will tell whether the hedgehog will win with its fortified wall of spikes or whether the fox will outmaneuver and blunt the spikes one after another. However, on Somalia, the Professor has already won the debate. And I hope our brothers in Mogadishu would heed the lesson.
June 24, 2013.

Source: (http://hanua.blogspot.com/)

 

 

 

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno Taageersanaa oo la Sheegay inay si qarsoodi ah kaga baxeen Degmada Baraawe

$
0
0

Sheekh_Xasan_Daahir AweysAwdalpress – Muqdisho – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan inuu si qarsoodi ah uga baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa.

Shabakad taageerta Al-shabaab oo lagu magcaabo Somalimemo ayaa war ay maanta baahisay ku sheegtay in ilo wareedyo ka tirsan Al-shabaab ay u xaqiijiyeen in Sheekh Xasan Daahir iyo xubno ka tirsanaa Xisbul Islaam ay laba habeen ka hor si dhuumaaleysi ah uga baxeen Baraawe, iyagoo maray dhinca badda, lamana oga halka uu aaday.

Ilaha Al-shabaab ka tirsan ayaa sheegay in bixitaankiisa aan laga warhayn uuna si qarsoodi ah ay isaga iyo xubnaha wehliyay kaga baxeen degmada Baraawe oo Khamiistii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya koox isaga taageerta iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya inay jireen wadahadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay Sheekh Xasan Daahir iyo xukuumadda Qatar, kuwaasoo qorshahoodu ah in wadahadal loo furo dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam.

Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in la doonayo in Sheekh Xasan Daahir loo dhoofiyo dalka Qatar, iyadoo la xusuusto in afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin uu laba sano ka hor ka sheegay degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug inay wadahadallo la furayaan dowladda Soomaaliya ayna ka goosteen Al-shabaab.

Inkastoo mas’uuliyiinta sarsare ee Al-shabaab aysan ka haldin ka bixitaanka Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socda degmada Baraawe ayaa waxay haddana horay u sheegeen inay jiraan xubno ururkooda ka tirsan oo kasoo horjeeda dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada ay taageerada ka helaan oo ay AMISOM ka mid tahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha uu hoggaaminayo ay aadeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, balse warkaas ma ahan mid si dhab ah loo xaqiijiyay.

Sheekh Xasan Daahir oo horay u ahaa hoggaamiyaha ururkii Xisbul Islaam ee burburay oo ugu dambeyna ka mid noqday Al-shabaab ayaa lagu xusuustaa inuu dhowr jeer oo hore ka hadlay dilalka ay Al-shabaab u geystaan shacabka iyo mowqifyadooda adag, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan wanaagsanayn.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore uu dagaal u dhexeeya xubno uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir ay Baraawe kula dirireen xoogag ka amar-qaata hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaana Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

HOL

Madaxweynaha Somaliland Ahmed M Siilaanyo oo isku shaandhayn ku sameeyey xukuumaddiisa.

$
0
0

Siilaanyo03

 

 

 

 

 

 

 

 

AWDALPRESS – HARGEYSA – Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In ay  hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

 

Wuxuu go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

Magacyadda Wasiirrada Cusub

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde

3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare

4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)

5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal

6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin

7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame

8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille

9. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees

10.Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye

12. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil

13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

14. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil

15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

16. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud

17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir

18. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-

1. Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta, loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)

2. Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga,  loo bedelay Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed

3. Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

4. W/ ku xigeenkii horee W/faafinta loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka) Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

5. Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) Abiib Diiriye Nuur (Timacade)

6. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire

7. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

8. Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA DAADAJIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-

1. Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)

2. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan

3. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

4. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle

5.Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga Aaden Diiriye Cigaal

6. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil

 

ALLAA MAHAD LEH

FAALLADA IS BEDDELKAN KALA SOCO AWDALPRESS


WAREYSI UU WARIYE ABDIRASAAQ XAMMAAL UU LA YEESHAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA AWDAL CABDO AXMED AAYAR

$
0
0

Ku soo dhawow waraysigii oo muuqaal ah.

Awdalpress.com

Wasiirka Arrimaha dibadda ee uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo u magacaabay dawladdiisa bal aan taariikhdiisa milicsanno.

$
0
0

biixiWasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ahaa diblomaasigii ugu darajo sarreeyey dunida afka soomaliga ku hadasha, marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo mar noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, oo xilal ka soo qabta  diblomaasiyadda caalamiga ah ee qarammada midoobay.

24kii bishan Jun sannadkan 2013 isku shaandhayn uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey dawladdiisa ayaa uu u doortay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, mansabkaasi oo laga qaaday Maxamed Abdillaahi oo ay in badan shacabka reer Somaliland ay ku dhalliilayeen siyaasadda arrimaha dibadda.

Haddaba waxaanu maanta qoraalkan idiinku soo gudbinayna taariikh nololeedka Maxamed Biixi Yoonis, iyo weliba xogo dheeraad ah oo ku saabsan sababta uu u aqbalay xilkani wasaaradda arrimaha dibadda oo ay shabakaduhu ka qoreen, iyo weliba  isaga hadal hayo amma  lagu wado inuu isku sharaxo xilka madaxtinimada Somaliland. Waxana uu iska soo sharrixi doonaa xisbiga KULMIYE ee uu madaxda ka yahay Muuse Biixi oo ay isku jufo yihiin.

Waa Kuma Maxamed Biixi Yoonis ?

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sannadkii 1947-kii ku dhashay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isaga oo dugsigii hoose ku bartay magaalada Hargeysa, dugsiyadiisii dhexe ayuu ka baxay dugsiyada Sheekh, isaga oo kii sarana ku bartay dugsigii sare ee Camuud.
Waxa uu sannadahii 1970-naadkii shahaado sare ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee magaalada Hargeysa oo uu ka qaatay shahaadada (High Diploma), wuxuuna ka noqday magaalada Hargeysa macalin dugsiyada wax bara, sannadahii 1971-kii ayuu waxbarasho sare ka hellay dalka maraykanka isagoo waxbarasho ka hellay jaamacadda weyn ee Harvard University.
Jaamacadda Harvard University ayuu Degree-giisa hore wuxuu ku qaatay barashada culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, isagoo sidoo kalana qaatay shahaado kale oo Bachelor ah oo isla jaamacadda Harvard University uu ka qaatay culuumta maamulista dhaqaalaha, isla jaamacadda Harvard University ayuu ka qaatay shahaado sare (Master Degree) oo ah cilmiga maamulista arrimaha bulshada iyo siyaasadda (Master Degree of International Relations, Political Science and Public Relations Management)
Sannadahii 80-maadkii Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ku biiray bangiga horumarinta Afrika ee loo yaqaano (African Development Bank) isagoo muddo dheer ka soo shaqeeyey bangigaasi kana soo qabtay xilal ay ka mid yahiin madaxa Bangiga ee dalalka Beriga Afrika, madaxa maalgelinta ee baanka (head of Investment), madaxa maamulka daymaha ee Bangiga, isagoo noqday madaxii xidhiidhka siyaasadda ee Bangiga ADB.
Badhtamahii 90-naadkii ayaa Maxamed Biixi Yoonis waxaa loo magacaabay madaxii qaybta hawlaha ee qaramada midoobay u qaabilsanayd barnaamijkii qaramada midoobay ee Beriga dhexe, isagoo saldhigiisuna noqday magaalada Beirut ee dalka Lebnan.
annadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.
Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka iskaga dab qaaday jiray dalalka beriga dhexe, waxaa lagu xasuusta qaybtii weynayd ee uu ka gaystay maxaabistii israel iyo dalalka carabtu ay is dhaafsadeen. waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.
Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, sida xogo ay Durdurnews iftiiminayso tibaaxayaan waxaa la filaayey inuu dhawaan noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu laabto Somaliland.
Muxuu Ku Soo Kordhin Kara Siyaasadda Somaliland ?
ad badan ayaa aaminsan in haddii Maxamed Biixi Yoonis ku soo biiro siyaasadda Somaliland ay taasi soo dedajinayso in Somaliland aqoonsi buuxda ay bulshada caalamka ka hesho, waxaanay dadkaasi aaminsanyahiin inuu yahay masuul aad looga qiimeeyo bulshada caalamka agteeda, wuxuu badiba la saaxiib yahay hogaamiyayaasha caalamka, jaamacadda Harvard ee dalka maraykanka ayey mar waxay wax ka wada baran jireen madaxweynaha haatan ee dalka maraykanka Barack Obama, wuxuuna ka soo shaqeeyey 22 dawladood oo dunida dacaladeeda ku yaalla.
Ambassador Cabdiraxmaan Muuse Qarami oo ahaan jiray Agaasimahii waaxda siyaasadda iyo arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkii Soomaaliya 1980-naadkii ah, haddana ku sugan dalka ingiriiska ayaa Durdurnews u sheegay in haddii Maxamed Biixi Yoonis uu dalka hogaankiisa qabto ay soo dedejinayso inay bulshada caalamku u istaagto qaddiyadda Somaliland “waa nin garanaya sida dal Somaliland oo kale ah loo hogaamiyo, 20 sannadood ayuu dawlado burburay iyo goobo halis ah ka soo shaqaynaayey, waa nin sumcad ku leh gudaha qaramada midoobay, albaab kastana si fudud u garaaci kara, haddii Axmed Siilaanyo gartay taasi waa mid la soo dhawayn karo” ayuu yidhi Ambassador Qarami.

Cadceed

Taliban oo weeraray Madaxtooyada Kabul iyo xarunta CIA-da

$
0
0

kabulAwdalpress(Kabul) 25 Jun, 13–Xoogaga Afghaanistaan ka dagaalama ee Talibanka ayaa weerar xoogan maanta ku qaaday xarumo muhiim ah oo ku yaal caasimada dalka Afghaanistaan ee Kabul.

Weerarkan oo ay ka qeyb qaateen dagaalyahano ku hubeysan hubka daraandooriga u dhaca iyo bambaanooyin ayaa weerar saacado socday ku qaaday Qasriga Madaxtooyada Kabul, halkaasi uu xiligaasi ku sugnaa Madaxweynaha Xamid Karsaay.

Dagaalyahanadan ayaa sidoo kale weeraray Hotel Ariana oo aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada, halkaasi oo saldhig u ah sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Dowlada Afghanistaan ayaa sheegtay in la dilay dhamaan dagaalyahanadii weerarkan soo qaaday, isla markaana uu bad qabo Madaxweynaha Afghanistaan oo lagu waday xiligaasi inuu qabto shir jaraa’iid oo uu uga hadlayo wadahadalka laga dhexwado dowlada iyo Talibanka.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xili uu magaalada kabul soo gaaray ergayga Maraykanka u qaabilsan Afghanistaan, isla markaana la filayey Madaxweynaha Afghanistaan inuu ka hadlayo wadahadalka dhawaan lagu wado inuu dhexmaro Maraykanka iyo Talibanka.

Xoogaga Talibanka ayaa horey u sheegay ineysan wax wadahadal ah la geli doonin Xukuumada Xamiid Karsaay waxayna dar dar siigeliyeen weerarada ka dhanka ah dowlada Afghanistaan iyo xoogaga NATO ee wadankaasi ku sugan. Talibanka oo todobaadkii hore xafiis ka furtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa ka careysiiyey Madaxweynaha afghanistaan kadib markii ay xafiiskooda ka taageen calankii astaanta u ahaan jiray Dowladii Islaamiga ahayd ee Talibanka.

Star

Raysalwasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayey maxkamadi ku xukuntay 7 sano oo xarig ah

$
0
0

BerlusconiAwdalpress(MIlan) 25 Jun, 13–Raysalwasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayey maxkamada magaalada Milan ku xukuntay 7 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu xiriir la lahaa gabar aan qaan gaar ahayn oo jirkeeda ka ganacsatada.

Maxkamadan oo muddo dheer soo socotay ayaa lagu eedeeyey Raysalwasaarihii hore xiriirkiisa gabdho jirkooda kaganacsada oo ka qeyb qaatay xaflado lagu dhigay guriga uu ku leeyahay Berlusconi duleedka magaalada Milan.

Xeer illaalinta ayaa dacwadeeda kusoo dartay lacago badan oo uu Berlusconi siiyey gabar lagu magacaabo Ruby oo 17 sano jir ahayd, iyadoo la sheegay gabartaasi oo la lahaa xiriir hoose inuu siiyey lacago malaayiin dollar ah.

Balse kooxda difaacayey Berlusconi ayaa ku dooday inaysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyey Berlusconi iyo gabartaasi, iyagoo sheegay in lacagta la siiyey gabartaasi aysan ahayn malaayiin dollar, balse ahayd 7 kun oo dollar oo hadyad ahaan loosiiyey.

Berlusconi ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu Booliiska ku cadaadiyey inay xabsiga kasiidaayaan gabartaasi mar loo xiray falal la xariira burcadnimo, wallow u Berlusconi sheegay in uu xabsiga kasii daayey gabartaasi maadaama uu moodayey inuu adeer u yahay gabarta Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubarik.

Hayeshee xeer illaalinta ayaa codsatay in 6 sano lagu xukumo Berlusconi maadaama uu ku takri falay xilkii uu hayey, laakiinse xaakimyada maxkamada ayaa xukunkaasi ka adag ku riday oo 7 sano ku xukumay Berlusconi oo weli kamid ah hogaamiyayaasha siyaasada ee dalkaasi Talyaaniga.

Qareenka Berlusconi ayaa sheegay inay abiil ka qaadan doonaan, waxaana loo ogol yahay in 2 goor ay abiil qaataan, balse waxaan rajo laga qabin in Berlusconi uu xabsiga galo maadaama dalkasi Talyaaniga uu ka jiro sharci sheegaya qofkii 70 jir kaweyn in xabsi guri oo kaliya lagu xukumo, sharcigaasi oo ay dhaqan gelisay xukuumadii uu Raysalwasaraha ka ahaa Berlusconi oo isagu hada jira 76 sano.

Star

Wasiir Duur oo Durduradii ku Jabay ! Geeljire oo Dube iyo Doolaal mudadoodii ka dhamaatay iyo Xaabsade oo xaraashkii Hantida dawlada sahayatay !

$
0
0

FaalloAwdalpress(Borama) 25 Jun, 13– Iskushaandhaynta uu sameeyay M/weyne Axmed Siilaanyo ayaa dad badan oo falanqeeya siyaasadiisu u arkaan inay timid wakhti loo baahnaa, Waxaanay dadku sheegayaan in Wasiirkii Arimaha gudaha ee Somaliland Mudane Duur oo mudaba ku mashquulsanaa xalinta dilalka ay geystaan ciidamada Nabadgelyada ee uu qoray, isla markaana shaqada ka yaqaanay xadhiga madaxda dhaqanka iyo Af tahanimada nooceedu ahaa BAANAHA ayaa loo arkaa in uu Durduradii ku jabay ! wuxuuna aad uGu ceebobay xadhiga uu xabsiga u taxaabay ganacsato reer iyo shaqaale dawladeed oo deegaanka Xariirad ah iyo Baadhis La’aanta dilkii ka dhacay Xariirad taas oo loo arkay in uu majaro habaabiyay markii uu ganacsatada iyo shaqaalaha dawlada xidhay.

Wasiirkii Kaluumaysiga Mudane Geeljire ayaa isagu xilka ku yimid qormooyin uu wargaysyada ku qori jiray xiligii la Eryanayay Rayaale, qoraaladaasi oo ahaa kuow khashin ahaa oo anshaxa iyo Asluubtu ka madhnayd, mar la weydiiyay maxaa wasiir lagaaga dhigay ? Wuxuu ku jawaabay waxaan u malaynayaa qormooyinkii aan qori jiray ! waxaana loo Arkaa in wakhtigan ay dhamaatay sheekadii Dube iyo Doolaal !

Wasiirkii Hawlaha Guud Mudane Xaabsade oo ahaa isagu nin Miisaan culus lahaa waxay isku seegeen M/weyne Siilaanyo iyo maamulkiisa dhanka xaraashka hantida dawlada, waxaana la sheegayaa in uu dad shacab ah ka gaday dhul danta guud ahaa.

Hashim Goth

Awdalpress

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live


Latest Images