Awdalpress(Muqdisho) 05 Apr, 14–Guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah cambaareeyay howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Soomaalidu ay ku badan tahay ee Islii.
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga, ahna ku-simaha guddoomiyaha guddiga, xildhibaan Muuse Sheikh Cumar ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Kenya inay fiir- gaar ah u yeelato dhaq-dhaqaaq ciidamada iyo howlgallada ay ka wadaan xaafadda Islii
In kastoo uu Kenya ku ammaanay soo dhoweynta qaxootiga, wuxuu sheegay in muwaadiniinta Soomaalida ay mudan yihiin in la siiyo xushmadda ay xaqa u leeyihiin, isla markaana aan la takoorin.
Wuxuu xusay in baarlamaanka uu soo saari doono shuruuc cusub oo uu dowladda Soomaaliya kula xisaabtamayo nabad-geliyada muwaadiniinta dibadda ku nool.
Ciidamada dowlada Kenya ayaa toddobaadkan howlgalo baaritaano ah ka wadey xaafadda islii ay soomaalidu degto kaas oo ay kusoo qab-qabteen dad aad u tira badan.
RBK





