Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ururka Suxufiyiinta S/land Ee SOLJA Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xayiraada Xukuumaddu Ku Inqilaabtay Xaruntii Wargeyska Madaxbanaan Ee Haatuf

$
0
0

Somali-journalistAwdalpress(Hargaysa) 08 Apr, 14–Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa Sharci daro ku tilmaamay xayiraada xukuumadu ay ku inqilaabtay xaruntii guud ee Wargeyska madaxabanaan ee Haatur, kaas oo si wayn u cambaareeyey Talaabadaas ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Hilfaha ugu laabtay xaruntii Wargeyska Haatuf.

Sidoo kale Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed  Yuusuf  waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaaladda Hargeysa, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan ee HAATUF iyo SOMALILAND TIMES.

Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u  yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna  waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kulawareegtay xarummohoodii.

Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka,  Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso,  oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba, Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto”.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images