Awdalpress – Dilla – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland mudane Mohamed Ahmed Bare Garaad oo uu weheliyo xildhibaan Abdillaahi Ali Hussein oo xubin ka ah golaha guurtida Somaliland, isla markaana ka soo jeeda degmada Dilla. Ayaa shir ballaadhan oo saacado socday la qaatay maamulka degmada iyo guddiga odayada degaan ee kku hawlan horumarinta magaalada Dilla.
Mas’uulyinta degmadaasi iyo odayda degaanka ayaa si ballaadhan ugu horreyn uga warramay waayaha degaanka, iyo hawlaha horumarineed ee ay immiga faraha ku hayaan. Waxana ay xuseen in hadda faraha lgu hayo guriga talada degaanka laga hoggaamin doono, kaasi oo isugu jira guri Villa ah, Hool, Masaajidkii iyo Barxad weyn oo dadka lagala hadli karo. Mashruucaasi oo waa sida ay hadalka u dhidgeene ay iska kaashadeen qurba joogga degaanka u dhashay iyo xoogsatada gudaha joogta.
Waxana ay intaasi raaciyeen in mashruucan ay ku baxayso lacag dhan 65kun oo doollarka Maraykanka ah, Maxamed Daahir Ibraahim oo ah guddoomiyaha gudida ayaa ka codsaday wafdiga in ay u baahan yihiin taageero ammase in xukuumadda Somaliland kala qayb qaadato mashruucan iyo wixii iskaa wax u qabso ah ee debmada laga qabanayo, gudida horumarinta degmada Dilla waxa kale oo ay ammaan u jeediyeen M/madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa oo uu ugu horreeyo wasiirkiisa Madaxtooyada sida ay uga dhabeeyeen dhismaha waddada isku xidha Dilla iyo Borama.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Gaaraad iyo xildhibaan Abdillaahi Ali Hussein ayaa iyaguna dhankooda uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay u maamuuseen, iyo warbixinta ama xog warranka fiican ee ay degmada ka bixiyeen. Wasiir Garaad iyo xildhibaan Abdillaahi Ali ayaa iyaguna dhankooda ballan qaaday in ay gaadhiisiin doono Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisaba in reer Dillaad bilaabeen waxqabad gudaha iyo dibaddaba ay iskaashanayaan, xukuumadda Somalilandna ay ka sugayaan in waxqabadka ay qayb libaax ka qaataan.
Kaddibna waxa ay labadan mas’uul bogaadiyeen guddiga horumarinta Dilli sida ay ugu tafo xaydatay horumarinta iyo waxqabadka bulshadooda. Wasiir garaad ayaa si gaar ah xusay in masharuucan uu ku xigi doono dhismaha Dhakhtarkii degmada Dilla, waxa uuna carrabka ku dhuftay in Iyana adkaynta nabad gelyadu ay tahay mid mudan in isha lagu hayo, qaddiyadda Somaliland ee meesha fiican maraysana la garab is taago, isla markaan dhaq dhaqaaqa geeddi socodka siyaasadeed iyo ka horumarna ee ay xukuumadda Madaxweyne Ahmed Siilaanyo waddo qayb weyn laga qaato.
Xildhibaan Abdillaahi ayaa isna dhankiisa aad uga mahad celiyey sida sharafta leh, iyo wax qabadka ay guddiga horumarinta Dilla kala kulmeen. Waxanu aad ugu nuux nuuxsaday in ay is bar bartaagaan hannaanka dawladnimo ee ay xukuummadda Madaxweyne Ahmed Siilaanyo ay ka waddo dalka Somaliland.
Awdalpress.com




