Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Haween Somaliyeed oo ka ooyey dhibka Kenya ku heysta ( Videoga daawo )

$
0
0

Awdalpress – Nairobi – Qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku xiran garoonka Kubada cagta ee Kasaraani ee ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay la ilmeeyeen dhibaatada iyo xaalada nolol xumo ee ku heysata garoonkaas ayagoona codi u direy dowlada Soomaaliya inay wax ka qabato arintooda.

Qaar ka mid haweenka Soomaaliyeed ee ku jira garoonka Kubada cagta Kasarani ayaa waxaa la sheegay inay oohin af labadii yeereen ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada iyo bahdilaada ay kula kaceen ciidamada dalka Kenya, Haweenkii Soomaaliyeed ee sharafta lahaa ayaa waxaa la sheegay inay meel lagula xirey rag dabjiriin iyo aalkoliistayaal ah iyadoona ay haweenkaas ay arintaas ka muujiyeen dareen naxdin badan, haweenkaas ayaa waxay sheegeen in loola dhaqmay si naxaris daro ah oo ka baxsan bini’aadanimada iyagoona arintaas u gudbiyey safiirka Soomaaliya ee safaarada dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo booqasho ugu tagey Soomaalida ku xiran garoonkaas iyadoona uu safiirku uu u balanqaaday haweenkaas inay meeshaas ka bixi doonaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo haweenkaas Soomaaliyeed waxa ku dhacay iyo sida loola dhaqmayba ay tahay wax laga xumaado ayaa arinta kale ee la yaabka leh waxay tahay in haweenkaas badankood ay heystaan warqada aqoonsiga qaxootinimo taas oo ay mar walba dowlada dalka Kenya ay ku cel celiso inaysan marnaba celineynin dadka heysata aqoonsiga qaxootinimo, safiirka Soomaaliya ee safaarada dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa waxaa uu sheegay inuu xil weyn iska saari doono sidii uu haweenkaas arintooda wax uga qaban lahaa iyadoona aan la ogeyn sida ay arintaas ugu suuro galeyso maadaama ay dowlada Kenya ay ka go’an tahay inay qaxootiga Soomaaliyeed dhamaantood ay dib ugu celiso dalka Soomaaliya.

Allbanaadir


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images