Awdalpress(Hargaysa) 17 Apr, 14– Engineero ka socda shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo laba maalmood ka hor yimid Somaliland, isla markaana wei ku sugan magaalada Hargaysa ayaa la sheegayaa inay u socdaan sahan la xidhiidha dhismaha Dekada Lughaya ee G/Awdal.
Khubarada ka socota shirkada Shiinaha ah ayaa kulano la qaatay masuuliyiiin ka mid ah xukuumada Somaliland oo ka soo jeeda G/Awdal, Warar ku dhawdhaw khubarada ka socota Shirkada Shiinaha ayaa u sheegay Awdalpress in maalmaha soo socda ay soo eegi doonaan khubaradaasi xeebta magaalada Lughaya, halkaasi oo ay sahamin doonaan dhismaha dekeda kaluumaysi ee Lughaya.
Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in Khubaradani ku timid xidhiidh ay la sameeyeen shaqsiyaad ka soo jeeda G/Awdal iyo nin u dhashay Somaliland oo qaba gabadh Shiine ah oo iyagu wehelinaya weftiga Shirkada, Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalmood ka hor laga shirayay sidii looga ururin lahaa bulshada G/Awdal ee dibada iyo dalka gudihiisa ku nool qaadhaan dhaqaale oo lagu dhiso dekedaasi Lughaya.
Si kastaba ha ahaatee, hadii ay xaqiiq noqoto qorsha shirkadaasi rabto inay ku dhisto dekedaasi ayaa lagaga maarmi doonaa qaadhaankii bulshada reer Awdal ay ku yaboohi lahaayeen dhismaha dekedaasi Lughaya, balse hadii uu socon waayo qorshan ay u socdaan khubarada ka socota Shirkada Shiinaha ahi waxaa sii socon doona hindisii mashruuc ee qaadhaan ururinta dekeda lughaya.
Awdalpress





