Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ma Dhabaa in Gudoomiyihii degmada Gabilay u baxsaday Caasimada Kenya ee Nayrobi

$
0
0

newsAwdalpress(Gabilay) 28 Apr, 14– Wararka naga soo gaadhaya degmada Gabilay ayaa tilmaamaya in Gudoomiyihii degmada Gabilay Shucayb Maxamed Muuse  u baxay safar aan laga warqabin maanta gelinkii hore, safarkaasi oo qarsoodi ahaa, isla markaana golaha deegaanka ee degmada Gabilay aanay ka warqabin, wararka ka imanaya Gabilay waxay intaas ku darayaan in Gudoomiyuhu raacay diyaarad u socotay caasimada Dalka Kenya ee Nayrobi, Gudoomiyaha ayaa ka duulay madaarka Hargaysa wuxuuna Transit sadex saacadood ku ahaa magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Gabilay Shucayb Maxamed ayaa lagu eedaynayay dhawaanahan in uu ku lug lahaa Falkii loogu geystay degmada gabilay gudaheeda dublamaasiyiinta ka shaqaynayay xafiisyada Ethoipia ku leedahay Hargaysa iyo Garaawe, Falkaasi oo ahaa mid mugdi geliyay xidhiidhka Somaliland la lahayd dalka deriska ah ee Ethoipia, isla markaana wadahadal ku saabsan sida falkaasi u dhacay ay Adisababa u joogeen Wasiirka Khaariajiga Somaliland iyo Wasiirka Daakhilga ee Somaliland, Dhacdadaasi ka dhacday Kalabaydh bilawgii bishan ayaa ahayd mid lagaga qaatay dublamaasiyiinta Ethoipa Xogihii Sirta ahaa ee ay wateen, Baastoolado  iyo Qalabkii Computerska ahaa, waxaana ku socday maamulka Gabilay baadhis la xidhiidhay Eedaha madaxda degmada Gabilay kaga lug lahayd falkaasi foosha xumaa, Ciidamada Amaanka ayaa u xidhay dhacdadaasi falkan dad badan oo ay ku jireen Ilaalada iyo darawalkii Gudoomiyaha degmada Gabilay, sidoo kalana waxaa hore u baxsaday masuulkii Beeraha ee degmada Gabilay oo damiin ku joogay dibada, kaas oo u baxsaday dhanka Dalka Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad la isku weydiinayaa guud ahaan Somaliland sababta keentay in uu gudoomiyaha Gabilay ku baxo socdaal degdeg ah oo aan la ogayn, xili loo sheegay in aanu dalka dhinacna uga bixin, waxaana laga cabsi qabaa in uu ka sii gudbi doono gudoomiyuhu magaalada Nayrobi, Walow aan la hubin dalka uu u sii dhaafi doono, Arintan ayaa weji gabax ku keeni doonta cilaaqaadka Somaliland la lahayd Ethoipia, waxaana la isweydiinayaa waxa ay noqon doonto talaabada ay qaadi doonto Somaliland, Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Gabilay ay ka dalbadeen wasaarada Arimaha gudaha in loo ogolaado  xasaanad ka xayuubinta Gudoomiyaha golaha deegaanka Gabilay Shucayb Maxamed, si ay ugu fududaato laamaha baadhista iyo garsoorka Somaliland inay baadhis ku sameeyaan Gudoomiyaha degmada si loo ogaado qaybta uu ku lahaa ama ka abaabulay falkaasi loo geystay Dublamaasiyiinta Ethoipia, dad badan oo ku nool Hargaysa iyo Gabilay ayaa aaminsan in baadhistu geli lahayd masuuliyiin xilal wasiiro ka haya Somaliland, hadii baadhista gudoomiyaha degmada sideeda talaabo cad looga qaadi lahaa..

Awdalpress Desk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images