Awdalpress – Nairobi – Shirkadaha dalxiiska ee Thomsom iyoFirst Choice ayaa howlahoodii dalxiis irdaha isugu dhuftay kadib markii wadammada reer Galbeedku heleen sir qarsoon oo sheegaysa in Al-Qaacida beegsaneyso ilaha dalxiiska ee gobolka xeebta oo ay ku jiraan xeebaha iyo jasiiradaha Diani iyo Mombasa.
Dhacdooyin kedis ah ayaa laga soo sheegayaa gobolkani muslimiintu ku badan yihiin waxaana sirdoonka Kenya uu ku wajahan yahay goobo loogu tilmaamay in Shababka Kenyanku ay ku dhuumaaleysanayaan. Shirkadda dalxiiska Thompson Airline ayaa sheegtay in ay dalxiisayaasha Britishka ah ay ka qixisay hoteeladdii iyo xeebihii ay ku raaxeysanayeen iyadoo si deg deg ah uga duulisay garoonka diyaaradaha Moi International Airport ee magaalada Mombaasa.
Sidoo kale, Shirkadda First Choice ayaa wargeyska Daily Telegraph uga warantayin shabakada Al-Qaacida ay weerar afka ah ku soo qaaday dalxiiska Kenya, shirkaddaani dalxiis ayaa sharaxday in ay iyadana hanjabaad digniin culus uga timid dagaalyahannada Al-Shabaab ee fadhiya Soomaaliya.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in aysan iyadu helin hanjabaad ku socota in hoteellada laga baxo. Mwenda Njoka ayaa tiri: ” Kenya waa wadan dagaal ku jira haatan, waana macquul dhibaato laakiin hoteellada halaga baxo ma aanaan dhihin annagu..”
Jasiiradda Mombaasa ayaa waxaa sanadkiiba soo booqda in ka badan 200,000 muwaadiniin Ingiriis ah kuwaas oo qaab iskood ah ku yimaada iyadoo aan cidna soo dirin.
Gabar dalxiis ah oo lagu magacaabo Matilda Evan ayaa Reuters ugu calaacashay “Lixdii beri ee aan fasaxa soo qaatay sidaas ayeey igu dhaafiyeen shirkadii aan soo raacay..” Wadanka kenya ayaa meelo kala gedisan ka helaya sinyaalo digniino ah waxaana saacadihii dambe digniinaha ku biiray Faransiiska, Mareykanka iyo Australiyaan.
Awdalpress.com







