Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Soomaaliland oo laga xusay 18-ka May

$
0
0

saylici-iyo-siilaanyoAwdalpress(Borama) 18 May, 2014—Munaasabad ku saabsan sanad guuradii 23-aad ee kasoo wareegatay aas aaska maamulka Somaliland ayaa maanta lagu qabtay deegaannada hoostago Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil iyo masuuliyiin kale ayaa dadweynaha degmada Boorama kala qeyb galay munaasabadda 18-ka May.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka sameeyeen dhinacyada ammaanka, horumarka iyo is dhex-galka bulshada.

Wuxuu tilmaamay inay sii hormarin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, isagoo ugu baaqay shacabka inay maamulka gacan ka siiyaan xaqiijinta nabadda iyo horumarrada kala duwan ee Somaliland.

Magaalooyin badan oo ka tirsan Somaliland oo ay kamid yihiin Hargeysa, Laascaanood iyo Boorama ayaa maanta laga xusay munaasabadda 18-ka May.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images