Awdalpress – Dilla – Ceel Biyood ay bilowgeeda lahayd hay’ad samafal ah oo ay madax ka tahay Marwo safiya Abdillahi Ismail oo u dhalatay degaanka Dilla, immigana deggen dalka Maraykanka gobolka Taxes. Ayaa maalintii Shalay waxa la dhagax dhigay biyihii ceelkaasi oo qasabado la raacin doono si guryaha magaalada biyaha loo galiyo, waxana dhaxaa dhigay wasiirka Shaqada iyo wasiirka Biyaha iyo khayraadka. Waxana mashruucani yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah, oo biyo gelin lagu sameeyo magaaladaasi. Waxa kale oo mudan in la xuso ururka Ifaad oo iyaguna qayb libaax ka qaatay mashruucan biyo gelinta Dilla.
Waxanan jecellahay in aan warka ururkaa Safiya iyo sida ay hawshaa u bilaabeen aan dib idiinka soo gudbin doonno.
Awdalpress




