Nin la yidhaa Abdiraxaaq Ali Mohamed oo deggen dalka Ingiriiska magaalada Birmingham ayaa mar uu la la soo hadlay barnaamijka uu daadihiyo wariyaha Abdixaafiid ee Universal TV ee socday habeen hore. Ayaa runtii ahaa mid laga naxay. Ninka soo hadlay wuxu ku hadlay erey dhaqanka iyo diinta dadka Somalida qalad ku ah, laakiin Abdixaafiid sidii xirfad saxaafadeed leh uma sixin ninkii, waxana uu riddul ficil uga dhigay….wo woeowow…. iyo bahdilaad aan ninkaasi qaban, waxana ay ahayd in uu si asluubaysan u weydiiyo sababta uu u leeyahay amma uu si edeb leh ugu caqli celiyo….in uu dadweynaha daawanaya u hanjabo xaq uma lahayn…..ereyadiisana waxa ka mid ahaa: haddii aad qaldantaan qashinka ayaan idinku ridi. Sidoo kale waxa uu had iyo jeer ku hadlaa English aan looga baahnayn TVga oo is tus ah, amma waxa uu hadalkiisa ku qurxistaa aayado qur’aan ah iyo diinta Islaamka oo uu u cuskado saxaafaddiisa. Isaga oo axaadiith amma ducooyin akhriyaya, marka uu sidaa u dhaqmayana waxa aad mooddaa in uu kibir kibir isku kala jajabinayo.
Midda kale wariyahani miyaanu la socon in shaashadda Universal TV laga sii daawo, barnaamijka Faaliyaha oo lagu aflagaadeeyo shaashadda uu dadka uga hanjabayo.
Dib ayaan fallada barnaamijyadiisa isugu soo dubba ridi doonnaa, laakiin aan muuqaal ahaan idin tuso, falcelinta wariyaha iyo ninka kale sida uu u hadlayey iyo waxa qabsaday.





