Naf walba maalinteed ayey go’aysaa, goorteeda gallin kama dama marto, oo waa la wada geeriyoonayaa, haddana, la ye; “Geeriye, Geeljire iyo waxay ku roon tahay qof aadan aqoon”.
Waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada, xigtada iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariiste Cabdiqaadir Cusmaan Maxamuud “Aromo”, oo run agaantii geeridiisu ii ahayd NAXDIN, umaddana u ah nuxuus iyo nal ifkii baqtiyey, qorrax dhacday, gabbal dumay iyo dayax damay. Allaw naxariistaada iyi Jannaadaada ugu deeq. Aamiin.
Haddaba, anoo dareenku i dikaamayo, ayaan eraydan yar dareershay, ee dibnaha ila marsho, idinkoo mahadsan.
Maansada: Caloolyoow
Cadceeddii timaaddaba
Carra edeg warbaa jira
Cibro iyo cibaaro leh
Caro iyo xanuun iyo
Ima haayo ciiloo
Waxa ani catowgiyo
Caloolyowga igu ridey
Iyo Calowga maanta ah
Aan kuu ciraabshoo
Kuu cabbiro warkaygee
Cimrigii jiryoow maqal
Galayroow[i] codkaygaan.
Anigoo carraabo ah
Safaroo cagtana furay
Cirka haadda lalaysiyo
Ceeryaamo guudkeed
Ayuun baa la ii ciyey
War cillanina ii yimid.
Cadceeddii baxaysiyo
Dayaxii caddaa iyo
Xiddiggii cirjiirkiyo
Ifin jirey carrada idil
Ayaa caawa damayoo
Cabdiqaadir waa tagay!
Is canaanan maaynnee
Cashadii timaaddaba
Waa duniyo camalkeed
Cimri baynu leennahay
Cabbir go’an ayaamoo
Caadilbaa xaddidayoo
Cidna dhaafi maysee
Aan kuu ciraabshoo
Kuu cabiro warkaygee
Cimrigii jiryoow maqal
Cabdiqaadir muu dhiman
Hadduu ciidda hoos galay
La carrowshay maantaba
Cabsi iyo ma galin baqo!
Caarshigii Ilaah iyo
Cindigiisa Eebbaa
Loo celiyey ruuxdee
Cabdiqaadir muu bixin
Codkarkiina maw tagin.
Buugaag cuddoon iyo
Cilmi iyo aqoonliyo
Sooyaallo caanoo
Cimir tahay aqoonto
Carradeenna yaalloo
Aan kuu ciraabshoo
Kuu cabiro warkaygee
Tiirkii colaaddiyo[ii]
Cadawgiyo gumaystaha
Iyo cirib tirkoodii
Waxii caado soo jirey
Haddimadiyo caddaanke[iii]
Soomaali la calfiyey[iv]
Sababihii cilaaqdiyo[v]
Nagu beeray caabuqa
Taangiga cid Xabasheed[vi]
Qoraannimu ku caan baxay.
Taariikhda calowgiyo
Taladaa curyaanka ah
Caanyuunka laga dhigay
Cillad bixiyeheediyo
Wuxuu ahaa midkii culay
Kana saaray cudurkii
Umaddana ku caawiyey
Ku casuumay sooyaal
Iyo xaajo curadoo
Laga dhawray ciif iyo
Caro iyo walaahoow.
Aan kuu Ciraabshoo
Kuu cabiro warkaygee
Colaaddoo la diidiyo
Dagaalkoo la celiyiyo
Colka oo la joojiyo
Nabad buu ku caan baxay.
Caqli iyo aqoon iyo
Cilmi iyo ogaal iyo
Curin iyo garaad iyo
Qalinkuu ku caan baxay!
Aan kuu ciraabshoo
Kuu cabiro warkaygee
Miskiinkoo la caawiyo
Loo fidiyoo cudud iyo
Agoontoo la ciiltiro
Samuhuu ku caan baxay.
Dulmigoo la ciribtiro
Xumahoo la caasiyo
Cadligoo la dhawriyo
Sinnaan buu ku caan baxay.
Carradiyo dhulkeenniyo
Cidda uu difaaciyo
Halgan buu ku caan baxay.
Dhaqankiyo ciyaaraha
Hiddahiyo caadada
In la caynsho buu rabay
La caymiyo wixii haray
Loo dhigo carruurtoo
Caammada la bara’oo
Cilmi doonka loo dhigo
Bare buu ku caan baxay.
Ilaahoow casiisow
Adaan kuu cataabaye
Kuu cabanayaa kali
Casar weeye goortuye
Waa ayaamo caamiyo
Casharada dhaxaysee
Bisheennii cuddooneey
Ramadaanul caafiya
Cabdiqaadir Eebboow
Aqbal camalka kiisa ah
Cafi qalad hadduu galay
Jannadaada ku casuun
Nabiyadii carfoonaa
Casiisow darkoodii
Iyo xawdka ka cabsii
Ceelashii Fardawsiyo
Wabiyadii cagaarnaa
Rabbiyoow Casiisoow
Carfigooda nagi gee.
Aamiin.
Dhammaad.
16/07/2014
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com