Awdalpress – Sool – Warka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Ciidamo watay gawaaari nooca Dagaalka ay u goosteen dhanka Maamaulka Khatoumo.
Inta la xaqiijiyay Ciidammada Goostay ayaa waxaa la sheegayaa inay gaarayaan 80 askari, kuwaasi oo Maamulka Somaliland kala goostay Lix gaari ay gaareen Deegaanada Maamulka Khatoumo.
Yaasiin Axmed Sulub oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Khaatumo, ayaa xaqiijiyay in Ciidamadaasi ay xilli hore lasoo xiriireen islamarkaana ay iminka soo goosteen.
Yaasiin Axmed Sulub waxa uu sheegay inay soo gaareen deegaannadooda, ayna si wanaagsan u soo dhaweeyeen, waxa uuna Cadeeyay inay ka dhowr sugayaan Ciidamo intaan kabadan oo uu sheegay inay la ballansan yihiin.
Wuxuu tilmaamay in Ujeedka ay usoo goosteen ay tahay kadib markii ay Maamulka Somaliland kala kulmeen Mushaar la’aan iyo dhibaato daryeel la’aan ay la socto.
Wasiirka waxa uu Carabka ku dhuftay in gaadiidka ay wateen ay ahaayeen shan gaari oo afar ka mid ah ay ahaayeen kuwa dagaalka, halka kan kalena uu ku dhacay meel aan magaalada ka durugsanayn.
Maamulka Somaliland weli kama hadlin hadalka kasoo yeeray Wasiir Yaasiin Axmed Sulub oo sheegay inay qaabileen Ciidamo iyo Gaadiidkooda dagaal.
Ciidamadaani ayaa qeyb ka noqonaayo kuwa dhawaan sidoo kale kasoo goostay Somaliland oo ku sugan Deegaanka Khatoumo, wallow Ciidamadu ay dhaqan ka dhigteen in marba meel ay u goostaan.
Awdalpress




