Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxda ugu sarraysa dalka Somaliya oo maanta kulammo la yeeshay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dalka Denmark.

$
0
0

DenmarkAwdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul wasaaraha Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ayaa maanta si gaar gaar ah ugu kala qaabilay Caasimadda Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Mudane Mogens Jensen oo booqasho ku yimid dalka Somalia.

Kulammadan oo ay ka qeybgaleen Wasiirada Arrimaha Dibadda, Amniga Qaranka, Arrimaha Gudaha,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo Xubno kale ayaa looga wada hadlay horumarinta ,xoojinta xidhiidhka labada dal , arrimaha ammaanka , danaha labada dal wadaan iyo taageeridda hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Markii ay soo idlaadeen fadhiyadii hore , ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Mogens Jensen.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in wafdiga dowladda Denmark ka socda ay ka wada hadleen horumarinta , dib u dhiska dalka , taageeridda hay’adaha dowladda iyo u gogol xaadhidda shir lagu qaban doono bisha November magaalada Copenhagen.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulankani uu ku dhammaaday natiijo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed , isaga oo bogaadiyey xidhiidhka Soomaaliya ka dhaxeeya Denmark.

Sidoo kale waxa uu Wasiir Mogens Jensen, isna sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu yahay tusaale cad oo la xidhiidha taageerada siyaasadeed ee dowladiisu u hayso dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu la dhacsan yahay isbadallada iyo horumarrada dowladdu sameyeyso.

Morgens , waxa uu xusay in Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala tashaday dib u dhiska ,horumarinta, fursado shaqo oo la abuuro, caawimaadda bani’aadannimo iyo qodobo kale , isaga oo ku sheegay in kulammada uu la yeeshay Madaxda dowladda kuwo midha-dhal ah.

Wafdigan oo ka kooban 8 xubnood , ayaa waxaa gelinkii hore ee maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Mahad Mohamed Salad iyo agaasinka habmaamuuska Qaranka .

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images