Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaamiye kooxeedkii deggenaa xaafadda Wadajir ee Muqdisho, dagaalkana kala hor yimid ciidammada Nabad Sugidda iyo ciidanka AMISOM ayaa xabsiga la dhigay

$
0
0

GE DIGITAL CAMERAAwdalpress – Muqdisho – Warar ay saxaafaddu ka heshay Saraakiil ka tirsan Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa u xaiijiyey in Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadaw(Axmed Daaci) lagu xidhay Xarunta ugu weyna Hay’ada Nabad Sugiddu ku leedahay Muqdisho. Ninkan oo ka mid ah ragga la bartilmaameedsaday ee hubka iyo ciidan beeleedka ku dhex haystay Muqdisho ayaa ah kii ugu horreeyey ee xoog lagu soo qabto isaga iyo ciidankiisiiba, lagu soo xidho xarun loogu tala galay dadka la nooc ah.

Axmed Daaci oo shalay isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya kadib markii lagaga adkaaday Dagaal Ciidamadiisa ay la galeen Ciidammada Nabad Sugida iyo kuwa AMISOM ayaa xalay lagu soo xidhay Xarunta Hay’ada Nabad sugida ee cusub.

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Mudulood ayaa Axmed Daaci ku qasbay in uu isdhiibo lana geeyo Xarunta Madaxtooyada , waxaana la sheegay in shalay saacado badan uu ku sugnaa Madaxtooyada kadibna lagu amray Axmed Daaci in lagu xidho Xarunta Hay’ada Nabad Sugida.

Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ayaa su’aalo waxa ay Xarunta ay Hay’adaasi ku leedahay Guriga Habar Qadiijo ku weediinayaan Axmed Daaci iyo xubno kale oo la socday oo lagu soo qabtay Howlgalkii shalay.

Lama saadaalin karo sida uu ku dambeyn doono Xaalka Axmed Daaci iyo Xubnaha lala xidhay oo shalay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida kala hortagay dagaal dhiig badan ku daatay kadib markii weerar lagu qaaday Hoyga Axmed Daaci ka dagan yahay Degmada Wadajir.

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images