Awadalpress – Muqdisho – Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saakay ka dhacay Gudaha Garaash gaadiidka lagu farsameeyo, laguna iibiyo oo ku yaala agagaarka isgooska Baar Ubax ee Degmada Howl-Wadaag.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu xidhay gaadhi uu lahaa Sargaal sare oo ka tirsan Hay’ada Nabad Sugidda Qaranka oo lagu Magacaabo Xerow. Gaadhigan ayaa lagu farsameenayey gudaha garaashkaasi iyada oo la qorsheenayey in maanta laga saaro sida aan Wararka ku helnay.
Goob jooge ku sugnaa Garaashka uu qaraxu ka dhacay ayaa saxaafadda sheegay in garasahka uu intiisa badan ku gubtay qaraxaasi, ayna halkaasi ku bas beeleen gaadiid badan oo qaarkood iib u yaalleen garasahka iyo kuwa lagu farsameenayey intaba.
Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Qaraxa iyo dabka ka qarxay Gudaha Garaashkaa ku yaala Agagaarka Baar Ubax, Ciidammo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda oo goobta soo gaadhay ayaana halkaasi ku soo qab qabtay maamulaha garaashka iyo dad kale oo ku sugnaa garaashkaasi xiliga uu qaraxu dhacayay.
Inta badan Qaraxyada Ismiidaaminta ah iyo kuwa gaadiidka lagu xidho ayaa la tilmaamaa in lagu soo diyaariyo gudaha garaashyo ku yaalla Magaalada Muqdisho , waxaana dhawr mar qaraxyo ay ka dhaceen garasahyo qaraxyo lagu diyaarinayay.
Awdalpress.com







