Awdalpress(Muqdisho) 06 Jun, 13–Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aan ku aaddan dhererka iyo xudduudaha badda Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa laga soo saaray qodobbadan:
1- In goluhu uu gabi ahaanba qaaddacay shir ay horay isugu afgarteen xukuumaddii hore ee kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya, oo ahaa in dood laga furo xadaynta biyaha badda Soomaaliya, shirkaas oo dhacay 7-kii April, 2009, uuna horay u qaaddacay baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, 1-dii August ee isla sannadkaas.
2- In lugu dhaqmayo oo keliya sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 oo caddaynayay inaan lugu dhaqmi karin is-fahamkii dhexmaray dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya, maadaama uu yahay mid aan cuskanayn sharciga xudduudaha badaha ee caalamiga ah, sidaa darteedna aan la cuskan karin.
3- In ay xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya aqoonsan tahay sharciga badaha ee nambarkiisu uu yahay 3, kaas oo qeexaya in dhererka xadka biyaha baddu uu yahay 200 oo mayl-badeed, ayna dowlada Soomaaliya oggolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24-kii July 1989-kii, aysanna wali ka tanaasulin.
4- In xukuumadda federaaliga ah ee Soomaaliya ay caddeyneyso inaysan haba yaraatee gor-gortan ka galayn xudduudda biyaha badda Soomaaliya, kaas oo dib u qeexid iyo xadeyn loogu samaynayo xudduudaha iyo xeebaha Soomaaliya.
5- In dowladda Soomaaliya ay caddeyneyso inay ka go’an tahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga soojireenka ah ee kala dhexeeya Kenya, haddii aysan dowladda Kenya ka tanaasulin arrimaha ay ku doonayso in dib loogu xadeeyo biyaha iyo xeebaha dalka Soomaaaliya.
Golaha ayaa go’aankiisa ku sheegay inuu soo dhaweynayo wada hadallada ku saabsan sidii qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo iyo xoojinta ammaanka xudduudaha labada dal.
RBK





