Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dowlada Britain oo magacowday safiir cusub oo uga wakiil noqonaya dalka Somalia

$
0
0

Britian ayaa safiir cusub u soo magacowdey Soomaaliya, kaasoo beddalaya Matt Baugh oo isagu sanadihii danbe ahaa Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo Britain ay tahay dalka kaliya midowga Yurub ee safaaradiisa si rasmi ah uga furtay Somalia 22 sano ka dib.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Safiirka cusub ee Britain u soo magacowday Somalia ayaa noqonaya Neil Wigan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Neil Wigan laga soo badalayo dalka Congo DR halkaasoo uu safiir ka ahaa saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Britain appoints new ambassador to Somalia - Sabahionline.com

 
“Waxaan aad ugu faraxsanahay xilka la ii magacaabay ee safiirka Britain uu qaabilsan Somalia, talaabooyin waaweyn oo siyaasadeed ayey sanadihii u dambeeyey horey u qaaday Somalia, waxaana magaaloyinka waaweyn banaanka looga saarey Al-Shabaab, Xukuumad cusubna hogaanka dalka ayey la wareegtay” ayuu yiri Neil Wigan oo markii la magacaabay ka dib saxaafada la hadlay.

Britian ayaa xoojisay sanadahan dambe doorka ay ku leedahay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo sanadihii u dambeysey lagu qabtey London laba shir oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli Xafiiska cusub ee Q/Midoobey u qaabilsan Somalia UNSOM uu la wareegay Nicholas Kay oo u dhashey isla dalkaasi Britian kaasoo bedelay Danjire Mahiga oo xilkaas hayey afartii sano ee u dambeysay.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images