Awdalpress – London – Iyada oo Maanta Inta badan lalga wada ciiday Caalamka Islaamka ayna ku jiraan Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ama Ciidda Carafo ayaa waxaa jira waddammo Islaam ah oon maanta laga ciideyn.
Waddammada Malaysia, Indonesia iyo Pakistan oo ku yaalla qaaradda Asia ayaan maanta laga wada ciidin, iyadoo dunida kale ee Islaamka laga wada xusaayo munaasabadda Ciidul adxa. Dalalka Yurubna saamayn ballaadhan ayey arrintaasi khilaafku ku yeelatay.
Malaayin Muslimiin xujey ah ayaa shalay oo Jimce ahayd gutay rukniga ugu muhiimsan camalka xajka, waxaana ay taagnayeen banka Carafo.
Waddanka Baakistaan ayaase laga soo sheegayaa in guddi ka tirsan waaxda arrimaha Diinta ee dalkaasi ay go’aamiyeen in maalinta Isniinta ee soo socota ay ahaan doonto maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.
Afhayeen u hadlay guddigaasi ayaana sheegay in aan bisha Dulxaja laga arkin guud ahaanba dalkaasi. Sababta ay cuskadeenna ay taasi tahay.
Dowladda Malaysia iyo Indonesia ayaa dhinacooda sidoo kale shaaciyey in berrito oo Axad ah ay u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, inkastoo qeyb yar oo ka mid ah Indonesia laga ciidayo maanta.
Khilaafka Ciidda Carafada ayaa ah mid dhif iyo naadir ah marka loo eego khilaafka Maalinta Soonku bilaabanayo amma Maalinka Ciidul Fidrida, waxaana arrintaan aad ula yaabay Culimo waaweyn oo caalamka Islaamka meelo badan ku kala sugan.
Dhammaan waddammadan ciiday maanta ayaa shalay dad badani ka Soomanaayeen, Soonkaasi oo sida qaalibka ah la soomo maalmaha ka horreeya ciidda Arrafo.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa 24-kii bishii la soo dhaafay shaaciyey in dalkaas laga arkey bisha Dul Xaja, isla markaana 4ta bisha October oo maanta ah ay ku beegan tahay maalinta koowaad Ciida Carafo.
Awdalpress





