Kooxda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan la scoodka cunaqabateynta iyo xaaladaha waddammada Somalia iyo Eritrea ayaa soo saarey warbixintoodii sannadlaha ahayd.
Warbixinta kooxdu ay ka soo saartey arrimaha Somalia ayaa ka kooban 461 bog, waxaana lagu xusey arrimo dhowr ah sida colaadaha, dagaalka lagula jiro Al Shabab, maareynta maaliyadda Somalia, burcad badeedka iyo jebinta cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia.