Awdalpress – London – Wakhtigii toddobaatanaadkii ee Kacaankii barakaysnaa xawliga ku socday, waxa Somalida fankeeda ku badnaa heeso loogu ooyayo South Africa iyo kuwa kale ee markaa ku hoos jirtay xukunkii gumaysiga iyo ka midab takoorka ee South Afrika u gaarka ahaa. Waxana ay Somalida dunida ku nooli wax walba ka jeclayd in ay South Afrika dadka madawga ah ee ku dulmani ay maalin uun xornimo helaan.
Dulmi nacayb iyo midabka ayey ugu ooyayeen. Maantana markii Somali wakhtigu ka hor yimid ee dalkoodii ka baaba’ay, waxa ay miciin bideen in ay dunida qofba meesha uu ka gaadho magan-gelyo weydiisto. Waxana aan shaki ku jirin caddaankii ay hiifi jireen gallad badan u galay, iyaga oo aan eegeyn diintooda iyo midabkooda, kuwii ay u heesi jireenna ay guryaha ku gubayaan amma ay middiyo saawir ah dariiqyada ula joogaan.
Haddaba miyaanay waaya aragnimo ugu fillayn in ay arkaan inaan waxba u hadhin ee ay la gudboon tahay in aanay cid kale ku tashan ee ay iyagu isku tashadaan, oo ay joojiyaan qabyaaladda macno la’aanta ah ee ay isku baabi’iyeen.
Heesaha ay ku qiiroon jireen waxa ka mid ahaa:
Awdalpress.com





