Awdalpress – Muqdisho – Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Wafdi ka kooban mas’uuliyiin ka socotay dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Dekadda Jabuuti, iyo saraakiil dowladda Shiinaha u qaabilsan fulinta mashasariicda dib u dhiska iyo casriyeynta dekedaha.
Waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdigan masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiir ku-xiggeenka adeegga Bulshada Soomaaliya, xildhibaanno, safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo qaar kale.
Wufuuddan maanta timid dalka ayaa isla maanta kormeeray qeybaha ay ka kooban Dekadda Muqdisho iyagoo soo indha indheeyey qaabka ay u shaqeyso, waxaana warbixin siiyey Maareeyaha Dakedda Muqdisho.
Dowladaha Shiinaha iyo Jabuuti Mas’uuliyiin ka kala socotay ayaa sheegay in ay gacan weyn ka geysanayaan mashaariicda dib loogu casriyeynayo dekadda Muqdisho, isla markaana ay qorsheynayaan sidii ballaarin iyo qalabeyn loogu sameyn lahaa.
Kulan ay wada qaateen Maareyaha dekadaha Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dowladaha Jabuuti iyo Shiinaha ayaa looga hadlay noocyada mashaariicda dib loogu hagaajinayo Dekadda Muqdisho iyo qaabka ugu haboon ee loo bilaabi karo.
Maareyaha Dekadda Muqdisho Mudane C/llahi Cali Nuur ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo mashaariicda ay iska kaashanayaan dowlaha Jabuuti iyo Shiinaha oo ay ku horumarinayaan Dekadda, isagoo intaa raaciyey in arrintaas ay ka turjumeyso horumarka ka jira dalka gaar ahaan caasimadda
Wafdigan ka socda labada dowladdooda ee Shiinaha iyo Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaan doona maalmaha soo socda, iyadoo ay sidoo kale ay la kulmi doonaan madaxda Sare ee dalka, waxayna sidoo kale booqan doono xarumo kale.
Daynile






