Aqalka cad ee Maraykanka ayaa diiddan in uu ka hadlo in maamulka Maraykanku dib ugu soo soo celin doono Edward Snowdendalka Maraykanka si loo maxkamadeeyo.
Snowden ayaa ah sarkaal horey ula shaqeyn jiray Sirdoonka Maraykanka.
Snowden ayaa bixiyay faafaahin la xiriirta barnaamij dadka lagu dabagagalo oo ka socda dunida oo dhan. Barnaamijkan waxaa uu badagalaa malaayin ruux, oo lala socda telefoonndooda iyo farrimmaha baraha internetka ay ku gudbiyaan.
Dalab lagu soo diray bogga uu Aqalaka Cad ku leeyahay barta internet-ka oo codsanayo in ninkaasi la cafiyo, ayaa waxaa ilaa haatan saxiixay kumannaan kun oo ruux.
Wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegaysa in ay waddo baaritaanno la xiriira macluumaadka sirdoonka ee amar la’aanta la bixiyay.
Dowladda Britain ayay soo food saartay dhaleeceyn la xiriirta in ay adeegsatay warbixinno ay curiyeen sirdoonka Maraykanka, si ay u garab marto sharciyada u yaalla dalka Britain ee la xiriira dabagalka dadka.
Ras’iisalwasaaraha Britan David Cameron ayaa sheegay in sirdoonka Britain ay u howl galaan si waafaqsan sharciga.
BBC





