INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaa Galabta Magaalada Lassester lagu Aasay Allaha u naxariistee Sareeye Gaas Cumar Xaaji Masalle oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku Yaal Magaalada Lassester ee dalka Ingiriiska.
Boqollaal Soomali ah oo ku dhaqan Dalka Ingriiska ayaa ka soo Qeybgalay aaska Allaha u naxariistee Sareeye Gaas Cumar Xaaji Masalle oo Galabta lagu aasay Magaalada Lassester oo In mudda ah dagnaa Marxuumka.
Marxuum Cumar Xaaji wuxuu ku biiray ciidamada qalabka sida sanadkii 1960. Wuxuuna taliyaha ciidanka lugta ka gaaray darajada sareeye Gaas, waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka wasaaradaha Gaashandhiga iyo caafimaadka xiligii ay jirta dowladdii dhexe, isagoo sidoo kale soo noqday xildhibaan dowladii carta lagu soo dhisay.
Sidoo kale marxuum Cumar Xaaji Masalle door muuqda uu ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida loogu qabtay Jabouti, Addis Ababa, iyo Qaahira oo Dhamaan Ahaa Shirar lagu doonayay in lagu Dhiso Dowlad Soomalai ah Bur burkii kadib.
Mamaulka iyo Shaqaalaha Shabakadda Allbanaadir Waxay si gooni ah tacsi ugu dirayaan dhammaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sareeye Gaas Cumar Xaaji Masalle (Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun)




