Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gudoomiye Ku Xigeenka G/Awdal Oo Sheegay Sobabta Loo Xidhay Duqii hore Ee Degmada Borama

$
0
0

IMG_20141201_110849Boorama(Awdalpress)  ka dib markii maanta galinkii hore ay magaalada Boorama ka dhaceen mudaharadyo rabshada wadata kuwaasi oo magaalada badhtamaheeda ilaa xaafada sheekh cali jawhar ee uu deganaa Duqii hore ee degmada Boorama cabdiraxmaan shide Bile uu xidhiidhsanaa mudaharaadku ayaa xaalada magaaladu imika ay degan tahay ,

gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi nuur Sugaal oo Wariyaha BBCda ee magaalada Hargeysaad la soo xidhiidhay ayaa u xaqiiyey in duqii hore ee magaalada Boorama loo xidhay in uu abaabulayey arimo nabadgalyada ka dhan waa sida uu hadalka u dhigeen  wallow ilaa haatan aanay jirin warar xaqiiq ah oo ka soo baxaya laamaha amniga ee Gobolka Awdal oo la xidhiidhka xadhiga Cabdiraxmaan shide .

iskastaba ahaatee waxaa imika xabsiga laga siidaayey wariyihii telefishanka Universal ee Gobolka Awdal cabdicasiis ibraahim oo saaka isaga oo shaqadiisa ku guda jira xabsiga loo taxaabay .

isku soo wada duuboo waxaa ilaa haatan xabsiga loo taxaabay dhalinyaro aad u badan oo ka mudaharaadayey xadhiga lagula kacay duqii hore ee degmada Boorama

Awdalpress.com/Boorama


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images