Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qowmiyadda Somali Bantu oo shir ku saabsan Arrimaha Jubbooyinka ku yeeshay magaalada St. Louis ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka

$
0
0

 

 

Awdalpress – London – Shirk ay yeesheen qoomiyadda Bantuuga amma sanweynta loo yaqaan, oo aad ugu badan dalka Maraykanka ayaa ujeedkiisu ku salaysan tahay, wadatashi ay qowmiyaddu ka yeelatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka oo ah dagaankooda. Shirkaan waxaa ka soo qeyb galey Odayaal, Waayo-arag,  Siyaasiyin, Dhalinyaro, Haween iyo culumaa’udiin.
Qoomiyadda Bantuuga oo muddooyinkii sagaashanaadkii iyo labadii kun aad looga guray dalka Kenya oo ay qaxooti ku ahaayeen, iyada oo kumaannaan kun oo ka mid ah loo daad gureeyey dalka Maraykanka oo ay immiga aad u deggen yihiin, kuna leeyihiin Jaaliyado aad u adag. Shacabkan ayaa ah mid dadkoodu ay aad ugu dhibban yihiin dalka Somalia, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka ee immiga qasku ka taagan yahay.

 

Sida la sheegay, Shirkan oo ah mid sannadle ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Somali Bantu National Association Network oo uu gadoomiye ka yahay  Sheikh Abdirahman Weliyow, waxaana looga arrinsaday shirka horumarinta bulshada iyo Jaaliyadda Somali Bantu ee ku dhaqna waddanka mareykanka.

Sanadkaan waxaa ku soo kordhay shirka wadatashiga arrimaha Soomaliya gaar ahaan Jubbooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Dadka shirka kasoo qeybgaley waxay marka hore cambaareeyen dagaalladii  ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna ugu baaqeen dadka  dagaallamaya in ay si degdeg ah dagaallada ujoojiyaan ee masaakiinta. Waxaa kale oo ay Dowladda federalka ugu baaqeen in ay tillaabo kasta oo macquul ah qaaddo si shacabka iyo maatada u badbaadaan.

 

Waxaa meesha ka hadley masuuliyiin ka kala socdaan hay’adaha Somali Bantu. Waxaa ka midka ah Guddoomiyaha guud ee Beesha Shambare Osman Hussien Soonjo iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Somali Bantu ee magaalada Phoenix, Arizona Abdi Mudasir (Abdi Muda).
Guddoomiye Osman Soonjo  ayaa madasha ka caddeeyay  in deegannada Reer Goleedka Jubbooyinka ay  kusoo duuleen dad ka kala yimid waddamada Kenya iyo Ethiopia iyo qaar kale oo ka yimid deegaanno ka tirsan Puntland. Wuxuu ugu baaqay dadka uu sheegay in ay duullaanka kusoo qaadeen Jubbooyinka in ay arimahah Jubbooyinka faraha kala baxaan, haddii kale buu yiri ay iyagu  kag o’an tahay in ay ka difaacdan cadowga ku soo duuley deegankooda “Jubbooyinka waxaa iska leh Reer Goleed ama Beesha Shambare ee Reer Puntland haka fogaadaan faragelinta Jubbooyinka” ayuu yiri guddoomiye Mr Soonjo.

Waxaa kale meesha ka hadley Siyaasiga Osman Hussein Arbow oo dhawaan ka yimid magaalada Muqdisho  isagoo ka warbixiyay  xaaladda dalka meesha u maraayo oo ugu baaqey dhalinyarada iyo jaaliyadda Somali Bantu in ka qeybqaatan dib udhiska iyo maalgashiga dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images