Boorama(Awdalpress) 11.Dec.2014-dhalinyaro ka mid ah ardayda jaamacadaha ka baxay ayaa kulan maanta la qaatay wasiirka duulista iyo hawada ka dib markii ay codsadeen in ay la kulmaan, kulankaasi oo ka dhacay Huteel Rays ee Magaalada Boorama ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayey isla markaasina goob joog u ahaa wasiirka xidhiiidhka Golayaasha iyo Wasiir ku xigeenka Qorsheynta .
kulankaasi ayaa dhalinyaro ku bilowday in ay su’aalo waydiiyaan wasiirka duulista iyo hawada ,waxaana su’aalihii madashaasi lagu waydiiyey ka mid ahaa
mudane wasiir maxaa sobabay in aad Gobolka timaado marka qalalaase ka jiro ee aad shaqo ku saabsan wasaaradaada ugu iman laadahay? , wali maanu arag adiga oo u socda shaqo ku saabsan wasaarada aad madaxa u tahay , ka dib wasiirka oo jawaabi raba ayaa waxaa codsaday in uu jawaabo wasiir ku xigeenka wasaarada kaasi oo ay dhalinyaradii ka diiday ka dibna kulankaasi lagu kala kacay , wasiirka ayaa la sheegay in uu hadalo aflagaado ah ku weeraray dhalinyarada .
ka dib markii kulan kaasi lagu kala kacay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay isla markaasina afka furtay qaar ka mid ah dhalinyaradii kulankaasi ka qayb gashay ee wasiirka duulista iyio hawada ku xarqisay su’aalaha .
Isha ku Hay ,muuqaalka shirkani jaraid ee dhalinyarada mar dhaw .
Awdalpress/Boorama.




