Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oO Itoobiya U Tagay Xiisada G/Awdal

$
0
0

miixiHargeysa(Awdalpress)December-13-2014-Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Taliyaha Ciidanka  Ismaaciil Maxamed Shaqale, ayaa dalka Itoobiya u tagay sidii Ethiopia ay ugala hadli lahaayeen Suldaanka Abiibakar Cilmi Wabar oo ku dhawaaqay in Reer Awdal ka go’een Somaliland isla markaasina maamulka Soomaaliland ciidamadiisa kala baxo deegaanadaasi galbeedka .

Labadan Masuul oo Ethiopia iskaga dabatagay ayaan war laga soo saarin balse waxaa la filayaa inay Ethiopia kala hadlaan Xiisada dhanka amaanka ah ee ka taagan Xuduudka iyo sidii ay Ethiopia Somaliland gacan uga siin lahayd inaan halkaasi wax amaan daro ahi ka dhicin. wallow wararku sheegayaan in safarkaasi ay ku hungoobeen isla markaasina dowlada Itoobiya u aqoonsantahay Somaliland laba beelood oo heshiiyey.

Suldaanka Reer Awdal Abiibakar Cilmi Wabar oo Jimcihii Muuqaal iska soo duubay ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Maamulka Somaliland . Waxa uu sheegay in mudo todobaad ka badan laga joogo markii uu dhawaaqa soo jeediyay isla markaasina wefti wasiiro ah loo soo diray Boorama ilaa hadan aaan wax xal ah laga gaadhin arinkaasi .

Somaliland iyo Ethiopia, ayaa lahaa xidhiidh dhanka amaanka ah, balse Arinta Suldaan Wabar ayaa muujinaysa inaanu fiicnayn Xidhiidhka labada dhinac maadaama uu mudo labada todobaad ah ku sugan yahay Suldaan Wabar  Ethiopia siiba gudaha Ethiopia.

isku soo wada duuboo safarka weftiga Somaliland oo ilaa hadan aan hadal laga soo saarin ayaa ilo gogolaan ahi sheegayaan ina ay waji gabax kala kulmeen Dowlada Itoobiya taasina ay sobabtay in ciidamo tiro badan la keeno boorama  ilaa Gabiley.

RMS.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images