Awdalpress – Hargeysa – kulan ay caawa Qasriga Madaxtooyada ku wada yeesheen safiirka Qaramada Midoobay u soo magacawday xafiiskeeda siayaasadda Somaliya iyo Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhammaaday is af-garan-waa kaddb markii ay isku mari waayeen qorshayaashii ay kala wateen.
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay gabi ahaanba joojinayso wada shaqayntii Xafiiska Qarammada Midoobay ee UNSOM, isla markaana ay hay’addaasi ka mamnuucday dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu sheegay xafiiska cusub ee qaramada midoobay ee UNSOM inaanu mudnayn in lala sii shaqeeyo, isaga oo ku wargeliyey Mashruuca WFP oo kali ahi in uu dalka ka shaqayn doono, kaasi oo ay Somaliland shuruud ka dhigtay marka ay dalka imanayaan in ay la soo xidhiidhaan Xukuumadda, oo ay ogolaansho ka qaataan.
Safiirka cusub ee ay qarammada midoobay u soo magacawday xafiiskeedan cusub ee siyaasadda oo ay hoos imanayaan dhamaan xafiisyada kala duwan ee qaramada midoobay ayaa manta dalka yimi hase yeeshee wax war ah saxaafadda muu siinin, inkasta oo uu booqday dhawr meelood oo ay ka mid yihiin Dugsiga tababarka shaqaalaha dawladda iyo xabaalaha xasuuqa.
Kulanka caawa ka dibna wax war ah saxaafadda muu siinin waxaana la filayaa in uu soo gaabiyo socdaalkiisa oo marka hore u qorshaysnaa in uu Somaliland ku joogo muddo laba cisho ah.
Waaheen





