71-sano ayaa ka soo wareegtay sanadkii la aasaasay ciidammada Poliiska Somalia oo ku beegan maanta oo ah 20kii December ah sannadka 2014, waxana magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ka socota xaflad lagu maamuusayo maalintaasi.
Dabaad deggen ayaa waxaa ka soo qaybgalay saraakiisha ciidanka Police- ka Soomaaliya, Madaxweyne Hassan Sheikh iyo saraakiil kale oo ciidanka qaranka ka tirsan, waxana dabaal-dagga lagu soo bandhay gaaddo-ka-ciyaarka ciidanku ay sameyaan oo wiilal iyo hablo isugu jira. Sidoo kale waxa madaxda dawladdu ka warrami doontaa doorka nabadgelyo ee dalku marayo iyo habsami u socodka nidaamka ciidanka Police-ka Somaliyeed uu u socdo.
Madaxwehnaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu munaasabadda ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka ciidamada booliiska iyo waxtarkooda, iyadoo ay noqonayso markii saddexaad oo la xuso aasaaska booliiska, tan iyo markii madaxweyne Xasan loo doortay xilka.
Goobta ay munaasabaddu ka dhacayso oo ah dugsiga tababarka booliiska ee Jen. Kaahiye ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray jidadka soo gala oo dhan, si looga hortago falal amni oo dhan inta xuska uu socdo.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa la aasaasay sannadkii 1943-kii, xilligaa oo uu dalku ku jiray gumeysi, waxaana ciidankan uu ka shaqeeya amaanka magaalooyinka iyo deegaannada kale ee ay shacabku ku nool yihiin.
Booliiska ayaa la sheegaa inay yihiin saaxiibka bulshada, waxaana saldhigyo ay ku leeyihiin xaafadaha kala duwan ee Muqdisho iyo degmooyinka gobollada dalka si ay amniga shacabka u ilaaliyaan.
Awdalpress