Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

FAALLO; Somaliland ma ku saxsan tahay mawqifkeeda ay ku diidday in ergeyga gaarka ah Nicholas Kay ee Somaliya uu xafiiska UNSOM ka furto Hargeysa.

$
0
0

Flag of an African territoryAwdalpress – London – Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa ah mid cad oo aan ka gabban go’aan qaadasho mar walba si deg deg ah saxaafadda iyo shacabka loogu sheego. Waxana ugu dambeysey go’aanka ay ku diidday in xafiis siyaasadeenka cusub ee Somaliya sida dadban ugu talinaya laga furo magaalada Hargeysa.

Diidmadan ayaa soo baxday kaddib, markii ergeyga gaarka ah ee UNSOM  Nicholas Kay uu booqashada ku tagey magaalada Hargeysa, isaga oo waji gabax kala kulmay qorshihiisii ahaa in uu xafiis ka furto magaalada Hargeysa. Sida saxaafaddu ay soo warisayna waxa uu ergeygaasi la kulmay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Mr Omer, kaddiba waxa mar kaliya uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland saxaafadda la hor yimid war murtiyeed ay dawladda Somaliland ka soo saartay kulankaasi. Kaasi oo daaddifaynaya wax ay ugu yeedheen shirqool ka dhan ah Somaliland.

TVga la yaabka leh? ee qaranka Somaliland ayaa isna markiiba makrafoonka la dhex qaaday shacabka suuqyada jooga ee shaqa la’aantu dishootay, waxana uu ka soo duubay hadallo taageero ah, kaasi oo ay dawladdu uga dan leedahay in ay shacabka geliso mawqifkeeda.

Haddaba maaha markii ugu horreysey ee ay dawladda Ahmed Siilaanyo ku dhiirrato diidmo ay u soo jeediso madaxda caalamka, waxana ka horreysey diidmadii ay diideen marti qaadkii Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska David Camaron ee uu ku casuumay shirkii Somalida loo qabanayey bishii May 7eedii. Waxa kale oo iyana ku xigtay isku dhicii Somaliland iyo hay’adda duulimaadyada Jamciyadda Qarammada midoobay, ee maamulka Somaliland kaga mamnuucay in UN ta diyaaradaheedu duulimaadyo ka sameeyaan Somaliland. Taasi oo uu wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu usbuucanna ku cel celiyey, isaga oo misna sheegaya in ay duulimaadyadaa khafiifiyeen, oo ay oggolaadeed kuwa mucaawinooyinka.

Isku soo wada duuboo, waxa aan arkaynaa in wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland aanay marnaba ka waabanayn in ay laad ku dhufato wax kasta oo ay beesha caalamku ku doonayso in ay ku qaladdo Somaliland. Laakiin lama oga in ay dhinaca kale aanay is qabanayn wararka saxaafadda la marinayo iyo kuwa hoose ee la isla og yahay beesha caalamka.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images