Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mareykanka oo xaqiijiyay in uu dilay sarkaal sare oo Alshabaab Ka Tirsan

$
0
0

droneWaaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in weerarkii dhinaca cirka ahaa ee toddobaadkan lagu qaaday tuulo u dhow deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada dhexe lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca sirdoonka.

War saxaafadda loogu talagalay oo ka soo baxay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa lagu sheegay in la dilay Tahliil Cabdishakuur oo Al-Shabaab u qaabilsanaa waxa ay u yaqaannaan amniyaadka.

Afhayeen u hadlay Waaxda oo lagu magacaabo James Brindle ayaa sheegay in Tahliil oo Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgallada gudaha uu dilkiisa saameyn ku yeelanayo fulinta weerarrada ay kooxda uga soo horjeeddo dowladda iyo shacabka Soomaaliya iyo xulafada Mareykanka.

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in duqeynta lagu dilay Cabdishakuur.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images