Boorama(Awdalpress) 07-Jan-2015-Ciidamada Maamulka Somaliland ay bishii ugu dambeysay soo dhoobtay Galbeedka Magaalada Boorama iyo guud ahaan Gobolka Awdal ayaa wax ka badal ku sameeyey xuduudii Dadka lagu baadhi jiray ee u dhaxeysay Somaliland iyo Jabuuti taasi oo keentay in baabuurta rakaabka ah ee u baxa Jabuuti iyo shacabka saaranba waraaqaha iyo paaspoorka jabuuti lagu waydiiyo degmada Quljeed oo 30km galbeed kaga beegan Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal .
hadaba qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta u kala gooshta Jabuuti iyo Gobolka Awdal oo shalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boorama ayaa walaac ka muujiyey xaalada cusub ee soo kordhay kuwaasi oo tilmaamay in rakaabkii tagi jiray deegaanada Boon,Saylac iyo Lawciyacado lagu dajinayo quljeed iyaga oo la waydiinayo sharciga jabuuti .
sidoo kale waxay wadayaashu intaasi ku dareen in degmooyinka GEERISA,iyo kuwa kale laga sameeyey meelo lagu baadho rakaabka baabuurta isla markaasina lagala dago cidii aan wadan sharciga jabuuti .
si kastaba ha ahaatee wadayaasha oo ay wajiyadooda ka muuqato cadho badani ayaa sheegay ugu dambeyntii in cadaadis xoogan ay saartay maamulka Somaliland kuwaasi oo markii horeba la dheel dheelinayey cashuurta baaxada badan ee meel ay haysta ay garan laayihiin Isla markaasina dhabarka lagaga jabiyey baabuurta u baxda jabuuti iyo shacabka saaaranba .
dadka odorasa siyaasada Soomaaliland ayaa sheegay in cadaadiska saaran Gobolada Galbeedku uu sabab u noqon karo kacdoon shacab oo ay goboladaasi ku diidaan jiritaanka iyo kamid ahaaansha Somaliland wallow imikaba suldaan ka mid ah salaadiinta Waaweyn ee Gobolka Awdal oo ku dhawaaqay in Goboladaasi ay ka go’een Somaliland .
isku soo wada duuboo xaaladahani ayaa xoojinaya fikirkii suldaan Wabar isla markaasina wiiqaya kalsoonidii ay shacabka Gobolada Galbeedku ku qabeen Somaliland .
Awdalpress Desktop .




