Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirkii Wasaraadda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda oo geeriyooday

$
0
0

Wasiir-Colow-Barrow (1)Awdalpress – Muqdisho – Wasiirkii wasaaradda kalluumeysiga iyo khey-raadka badda Soomaaliya immigana ku sii simayey xilka wasaaraddaasi Maxamed Coloow Barroow ayaa si lama filaan ah ugu dhintay maanta magaalada Muqdisho.

Barroow ayaa wuxuu ka mid ahaa wasiirradii xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed, isagoo muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana tacsi u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Geerida marxuumka ayaan la sheegin waxay ku timid, balse waxay wararku sheegayaan inay ahayd geeri deg-deg ah.

“Marxuumu wuxuu door-weyn kasoo qaatay dib-u-soo kabashada dalka iyo dhisitaanka dowladda Soomaaliya,” ayaa ra’iisul wasaare Sharma’arke ku yiri qoaal uu kaga hadlayay geerida Coloow.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Coloow oo xanuun awgiis ugu geeriyooday saaka oo Jimco ah magaalada Muqdisho, isagoo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowso.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun, Alle samir iyo iimaan ha naga siiyo sii-hayahii xilka wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Maxamed Colow Baroow; waxaan tacsi u dirayaa qoyskii uu marxuumka ka geeriyooday, qaraabadiisii, asxaabtii iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa ka qayb-galay salaadda Janaasada ah ee marxuumka lagu tukaday si loo aaso, iyadoo sheegay in marxuumku uu ahaa mas’uul si weyn uga qaybqaatay sidii dowladda Soomaaliya ay dib ugu dhismi lahayd.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles