Awdalpress–15 Jan, 15– Sida ay sheegayaan xogo laga helay duqaydii kulanka kooban uu la yeeshay m/weyne Siilaanyo xili safar jidka ah uu ka dhaafay caasimada gobolka Awdal ee Boorama, ayay sheegayaan xogahaasi oo aan ka helay duqaydaasi in uu u sheegay Wasiirka Mdaxtooyada Somalilnd Xirsi Cali Xaaji duqayda in tabashadooda ay sugayeen aanay ahayn mid dhibyar wuxuuna hadalka u sheegay sida duqaydaasi u sheegeen shabakada” Horta ma fududa tabashada aad naga rabtaan ee aad naga sugaysaan, maadama waxa aad naga doonaysaan ay ka mid yihiin kuraasta ay ku fadhiyaan Warancade, Cabdi Aw Daahir iyo kaygu, way adag tahay in si fudud looga kacaa, balse Tabashadiina waxa looga Jawaabi doonaa kolba in yar, waayo maaha mid mar laga wada Jawaabayo.. Hadaladan ka soo yeedhay Wasiir Xirsi Gaab oo ah masuul si weyn looga dambeeyo xaga xukuumada Siilaanyo ayaa hadalkiisu ku noqday duqayda reer Awdal mid la yaab ku noqday oo aanay hore uga baran, isla markaana uGu muuqday madaxddhaqameedka in aanay xukuumada Siilaanyo u hayn qorshe cad oo ay kaga jawaabto tabashadii saamiga la xidhiidhay ee duqayda dhaqanku 7 bilood ka hor u gudbiyeen.
Sidoo kale waxaa Wasiir Xirsi lagu Eedaynayaa in khilaafyada ka jira reer Awdal uu qayb ka yahay, Isla markaana madaxdhaqameedka qaarkood Ashakato ka dhan ah Wasiirka Madaxtooyada u gudbiyeen M/weynaha, balse lama garan karo in Siilaanyo Arintaasi talaabo ka qaadan karo, Wasiir Xirsi oo si aad ah dadka qaarkii u Aaminsanaa ayaa mudooyinkan dambe wuxuu u muuqdaa in sumacadiisa siyaasadeed hoos u dhac weyni ku timid, taas oo loo haysto Hanti faro badan oo Jidadka dalka ka musuqmaasuqay iyo khilaafyada beelaha Somaliland dhexdooda oo uu ka qayb qaato sida dadka qaarkii Aaminsan yihiin amase mucaaradku ku eedeeyo,..
Sidoo kale waxaa si wayn looga hadal hayaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sababta M/weyne Siilanayo uGu hoyan waayay caasimada Awdal ee Boorama amase Baki ee uu iskugu aaminay tuulada togwajaale ee ku taal xuduuda u dhaxaysa Ethopia iyo Somaliland.
Awdalpress