Boorama (Awdalpress) 17 Jan 2015 Salaadiinta , Madaxdhaqameedka iyo xildhibaanada labada Gole kaga jira beelaha reer Nuur ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay Hoteel Olso ee magaalada Boorama waxaanay ganafka ku dhufteen mulkiyada buurta siimoodi oo beel ka mid ah beelaha dega Gobolka Awdal ay sheegteen in ay iyagu kaligood deggan yihiin.
Salaadiinta ayaa sidoo kale cambaarAyn dusha uga tuuray wasiirka xidhiidh golayaasha cali xaamud jibriil iyo Agaasimaha wasaaradda macdanta iyo biyaha kuwaasi oo au ku eedeeyeen in ay isku dhac beeleed ka wadaan deegaankaasi. Mas’uuliyadda ay huwan yihiinna ay tahay mid qaran oo aan ahayn mid qabiil.
Si kastaba ha ahaatee xildhibaannadii iyo madaxdhaqameedkii madashaasi ka hadalay ayaa fariin u diray wasiirada iyo madax dhaqameedka sheegtay deegaanada macdanta laga qodayo isla markaasina waxa ay sida ugu dhakhso badan uga fadhiyaan in ay raali gelin ka bixiyaan hadalladii ka soo yeedhay .
Mid ka mid ah Salaadiintii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in beelaha sheegayana deegaankaasi ay soo dageen wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taasi oo ay beelaha deegaankaasi ee salaadiintani ka soo jeedaan ay soo dhaweynayaan isla markaasi ay yihiin dad tol iyo gacalba ka dhaxeeyo
Isku soo wada duuboo salaadiinta ayaa farriin cad u diray xukuumada waxanay sheegeen in aan buurtaasi la tagi karin iyaga oo aan laga tashan beelaha deggan deegaankaasi oo ay ugu horreeyaan beesha reer Nuur.
La soco Muuqaalka Shirkani Jaraid Mar dhaw
Awdalpress







