Awdalpress – Muqdisho – Madaxweeynaha dalka Turkiga Mr.Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu casumay in uu xariga ka jaro xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport .
Waxaa lagu wadaa maanta in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ciidamo Turki ah oo aad u tababaran kuwaas oo kor ka waardiyeen doona Madaxweeynaha dalka Turkiga Mr.Recep Tayyip Erdogan sida uu nagu soo gaarsiiyay mid ka mid ah Madaxda sare ee Dowladda Somaliya .
Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport ayaa waxaa mudo dheer ka socday dhismo casri ah oo ay ka dhex wadeen injineero u dhashay dalka Turkiga.
Sidoo kale Furitaanka xaflada garoonka Diyaaradaha ayaa waxa ay dhici doontaa taariikhdu marka ay tahay 23-ka bishaan Jaanaayo waana maalinta Jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa .
Isha ku hay Awdalpress




