Boorama(Awdalpress) 19.Jana.2015-Ugaaska Beelaha gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ayaa maanta soo gaadhay caasimada gobolka Awdal ee Borama, ugaaska ayaa ka soo kicitimay dhanka caasimada dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia ee Jigjiga wuxuuna safarkiisa magaalada Boorama la xidhiidhaa shirka ka furmaya deegaanka Gab oo ka tirsan degmada Lughaya, halkaasi oo ay ku shirayaan beelaha gadabuursi, warar ku dhawdhaw waftiga Ugaaska ayaa sheegaya in socdaalkiisu la xidhiidho martiqaad uu ka helay shirka iyo inuu furo, wararka ayaa intaas raacinaya in Ugaaska iyo waftiga wehelinaya ee odayada ahi ay caawaba bilaabayaan gudo galka iyo xalinta khilaafka fikirka ah ee ay ku kala duwanaayeen duqayda iyo waxagaradka gobolka qaarkood, Ugaaska ayaa a doonaya in uu meel iskugu keeno Madaxdhaqameedada si ay u yeeshaan fikrad midaysan iyo aragti mid ah oo la xidhiidha danaha shacabkooda ee beelaha Gadabuursi.
Dadweynaha gobolka oo iyagu ku jaha wareersanaa mudooyinkan dambe aragtiyaha kala duwan ee ka jira gobolada galbeedka Somaliland ayaa u arkay socdaalka weftiga Ugaasku horkacayo ee yimid Borama mid mugdigii ka saaraya arimihii loogu hadalhaynta badnaa goboladan, isla markaana soo afjaraya khilaaf gudaha BEELAHA goboladan ka soo if baxayay.
Awdalpress.Boorama




