Waxa aynu la soconney in usbuucan dhammaaday uu shirweyne Gadabuursi ku qabsoomay Gob, Degmada Lughaya gobolka Awdal. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen Ugaaska Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid iyo inta badan salaadiinta iyo cuqaasha beelaha Gadabuursi, aqoonyahanno, culimo, waxgarad, haween dhalinyaro dhammaantood ka soo jeeda beesha gadabuursi.
Waxa aan la dafiri Karin in shirka ay ka maqnaayeen salaadiin iyo cuqaal miisaan culus ku leh bulshada dhexdeeda gaar ahaan gobolka Awdal sida Suldaan Saleebaan, Suldaan Wabar iyo cuqaalshii badnayd ee codsatay in shirka dib loo dhigo. Si kastaba ha ahaatee aniga aragtidayda iilama muuqato in wax isbedel ah uu shirkani ku soo kordhiyay mustaqbalka ummadda gadabuursi.
Ugu horayn markii la yidhi shirku wuxu ka madaxbannaan yahay siyaasad maadaama ummadaa gadabuursi degto meelo badan oo kala ah Ethiopia, Djibouti, Somaliland iyo meelo kale oo dunida ah, waan ka gaabsaday in aan wax afkaar ah ka dhiibto maadaama aanan joogin meesha. Laakiin mamrkaan arkay qodobada ka soo baxay waxan go’aansaday in aan ka dhiibto fikirkayga.
Markaad u fiirsato qodobbada waxa ugu horeeya in ay si buuxda u taageersanyihiin Somalilland iyo in ay tabashadii taageersanyihiin. Qodobkani waa siyaasad ee maaha dhaqan, Hala taageero Somaliland ee maxaa shuruud ah?. Waxaynu ogayn in muddo badan reer awdal ka cabanayeen aas aaskii hore ee Soomaliland, waxanan rajaynaynay oo aan niyadda ku haynay in mar uun la tashan doono oo la qaban doono shir noocan oo kale ah oo arintaa wax laga bedeli doono, waxase muuqata in aan wax arintaa laga qabtay aanay jirin ee lasii taageeray arintii qalladka ahayd.
Waxa muuqata in aanay wax shuruud ah ku xidhin taageerada buuxda ee ay Soomaalilland u muujiyeen.
Hadaba Su’aashu waxay tahay Goormay wixii qaldamay bedelayaan, sidayse u bedeli doonaan hadii manta oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 700 oo ergay aanay soo saarin wax shuruudo ah oo ku xidhan taageeradooda.
Markii ay aragtay xukuumadda siilaanyo qodobadan, waxa ka degay culays aad u badan, waayo marnaba ma ay filayn in go’aamadan oo kale soo baxayaan ee waxay filayeen in wax culays badan saara qaranka soomaalilland jiritaankiisu ka soo bixi doonaan isla markaana ay qaadi doonaan talaabo degdeg ah oo lagaga jawaabo.
Hadii aad u fiirsato hadalkii wasiirka warfaafinta Cukuse, wuxu sheegay in tabashadu ahayd mid inbadan soo jirtay isla markaana aan si dhakhso ah wax lagaga qaban karin reer reer Awdalna waxay garteen ayuu yidhi in madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu leeyihiin karti iyo awood ay wax ku bedeli karto.
Anigu tabashada waxan u kala saarayaa laba qaybood, qayb soo jirtay waligeedba oo ay ka mid yihiin saami qaysiga, Dastuurka. Iyo mid ay abuurtay xukuummadda Kulmiye oo ah Shaqaalaha Dawladda, Dhaqaalaha wadanka iyo deeqaha caalamka.
Hadaba labadaa qodob midkood wuxu ku xidhaa shirka iyo wixii ka soo baxa, midna wuxu ku xidhan yahay xukuumadda Kulmiye.
Qodobka saami qaybsiga iyo dastuurka; Arimahani waxay ku xidhaayeen wixii ka soo baxa shirkaas manta la soo gabagabeeyay waxana muuqata in aan dib wax looga bedeli doonin hadii maanta lagu xidhi waayay wax shuruud ah.
Qodobka ku xidhan xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye; Waa shaqaalaha dawladda golaha wasiirada, dhaqaalaha dalka iyo wixii laga soo qaado bulshadda caalamka. Arintani xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa abuurtay oo dhamaan shaqaalihii reer awdal meel kasta ha joogaane ku bedeshay shaqaale ka yimid gobolo kale. Dhaqaalihii iyo mucaawinooyinkii caalamkana aan haba yaraatee waxba ka soo gaadhsiin gobollada galbeedka. waxay u taalaa xukuumadda hadii ay wax ka qabanayso iyo hadii kaleba.
Guntii iyo gabagabadii.Waxan u soo jeedinayaa dhalinyarta u hadhi doonta mustaqbalka dhulkan in ay galaan wada tashi degdeg ah oo ay kaga tashadaan mustaqbalkooda una toosiyaan wax kasta oo ka qaldamay ummaddooda meel kastaba ha joogaane.






