Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mareykanka Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Wasiirrada

$
0
0

James-P.-McAnulty-251x300Danjiraha Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa maanta soo dhaweeyay Golaha Wasiirrada ee Talaadadii uu ku dhawaaqay raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali.

War-saxaafadeed ka soo baxay qeybta arrimaha Soomaaliya ee safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Nairobi ayaa lagu sheegay inay dowladda Mareykanka amaan u jeedineyso dhamaan dadkii ka qeyb qaatay xallinta khilaafaadkii hareeyay soo xulista iyo magacaabista wasiirrada.

Mareykanka wuxuu xusay maadaama uu yahay saaxiibka Soomaaliya inuu u rajeynayo Soomaalida inay ka gudubto qalalaasaha daba dheeraaday ee dhinaca siyaasadda, oo dib loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hiigsiga sanadka 2016.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya, ayna sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro nabadgelyo buuxda, xasillooni iyo barwaaqo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images