Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaamiyihii Sirdoonka Al- Shabaab oo bixiyey Xog lagu qaban karo Samatha Lewthwaite

$
0
0

ZakariyeAwdalpress – London – Wargayska The Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray……

“I’ll betray White Widow”: Former al-Shabaab chief to assist capture of terror suspect Samantha Lewthwaite

asaga oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ah,  in dawlada Britain ay diyaarinayso ciidammo gaar ah oo nolosha ku soo qabta haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee Ingiriiska u dhalatay ee la yiraahdo Samantha Lewthwaite, ayada oo la tixraacayo xog uu bixiyay Zakariye Ismaciil Xirsi oo dhawaan Muqdisho kaga dhawaaqay inuu Al-Shabab iskaga baxay.

Wargaysku waxaa uu sheegay in Zakariye oo la kulmay baadhayaal sirdoon ah inuu u sheegay Samantha Lewthwaite ay ku nooshahay meel ka mid ah koofurta Soomaaliya gaar ahaan keynta Raaskambooni halkaasoo ay ku illaaliyaan koox ka tirsan qeybta isqarxiyaasha Al-Shabab.

Sargaal ka tirsan sirdoonka Ingiriiska oo magaciisa la qariyay ayaa u sheegay wargayska sirtan qoray ee The Mirror in hadda uu heer gabo gabo ah marayo qorshe la doonayo in lagu soo qabto haweeneydaan sida weyn loo doon doonayo ayadoo la hab raacayo xogaha la helayo.

Zakariye oo dhawaan ciidammada dawladdu ka soo qabteen gobolka Gedo ayaa laga soo xigtay inuu yidhi “Samatha waa sargaal muhiim u ah Al-Shabab aad ayaana loo ilaaliyaa waxaana ay diyaarisaa kooxaha weerara dalka Kenya” sida wargeyskaan sheegayo.

“Waxaa uu bixiyay xog muhiim ah oo taageeraysa in la soo qabto carmashan cad ee Al-Qacida ka tirsan” waxaa sidaas lagu yiri warka  uu qoray wargeyska The Mirror waxaana illaha qaar ay sheegayaan in ciidamada loogu talo galay inay haweeneydaas soo qabtaan lagu diyaarinayo Muqdisho.

Ingiriiska iyo dawladaha kale ee reer galbeedku aad bay u doon doonaan haweenayda la yiraahdo Samantha Lewthwaite oo wajiyo badan isticmaasha si ay isku qariso.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images