Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Halgan Siyaasadeed Mise Mid Hubeysan?

$
0
0

 

articleMarka ay  rabshado ama isku dhac ay ku yimaadaan bulshooyinka ku dhaqan caalamka waxa inta badan sababa in ay bulshadaasi isku maan dhaafsan tahay arimo siyaasadeed oo la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka ay dadkaasi ku dhaqan yihiin Ilaahay ku manayesyetey sidii looga wada faa’iideysan lahaa, waxaa kale oo dhibka ama isku dhaca keeni kara kaalinta uu qof kastaa kaga jiri karo bulshadaas  oo u muuqan kartaa mid uu damacsan yahay in loo arko horseedka bulshadaas ama la aqoonsado wixii uu tarey bulshadaas, waxaa kale oo keeni kara in isku dhac ay keenaan dad anaaniyiin ah oo raba in waxa laga sheego ama magacood meel in uu gaadho kaliya raba oo aan lahayn ujeedo fog oo ay is leeyihiin dad wax tara ama xuquuq soo dhiciya.

Mucaaradka aan hubeysneyn waxaa ku caan baxey oo arintaas meel fiican ka gaadhey hogaamiyihii gaadhsiiyey dalweynaha Hindiya xoriyada uu manta haysto kaasi oo bilowgii qarnigiii tagey bilaabey olole ka dhan ah boqortooyadii guunka ahayd ee Britian ninkaasi waxa uu ahaa Mudane Mahatma Gandhi waxa uu can ku ahaa in uu kala hor yimaado gumeystihii Ingiriiska ee dhulkiisa xukumaayey kacdoon aan hubeysneyn kaasi oo uu aabaabuli jirey banaanaxyo, shaqo joojin, alaabta ay dadka u dhashey Ingriiska ee degan Hindiya soo saaraan oo aan la iibsan iyo arimo la mid ah, waxaana  maanta loo yaqaanaa kacdoonka noocaas ah kacdoon aan hubeysneyn ( nonviolence protest ) waana tii ka dhacdey wadamada Carabta bilowgii sanadkii 2011kii inkasta oo ay meelo badan kacdoonkaasi dhicisoobey oo ay isku badashey kacdoon hubeysan oo lagu hoobtey sida Suuriya, Liibiya iyo Yeman.

Kacdoonka hubeysan inkasta oo uu yahay mid dhici jirey oo ay taariikhyanahdu ku kala aragti duwan yihiin xiliga uu bilowdey badankooduna ay sheegayaan in kacdoon hubeysan ay ugu horeysey Jabhadii Cabaasiyiinta ee qarnigii 8aad ee milaadiga ku kacdey dawladii Ummawiyiinta  waa marka laga hadlayo jabhad iyo dawlad ee marka dawlada dawlad ku duushey waa qadiimi waana arin waligeedba dhici jirtey, markaa duulaan ama kacdoon hubeysani ma ah mid la wada saadaalin karo in lagu guuleysan karo cidhibtiisuna ma ah mid damaand qaad loo heli karo waxaana dhici karta mar uu bur bur iyo dhiig fara badan daato in la yidhaahdo sidan dan inooma aha ee waa in xal kale la raadiyo taasina waa ta inta badan ka dhacda meelaha ay loolanka hubeysani ka dhacaan marka aad fiiriso waxaa yimaada in goor danbe oo xeedho iyo fandhaal kala dheceen sida ay yidhaahdaan in la yidhaahdo garbaha is haya miis wada hadal ha  isugu yimaadaan  dhibkii iyo mashaakilkii dhaceyna ha laga wada hadlo.

Hadaba kacdoonka hubeysani ma ah mid lagu deg dego waxaana wacan ama toosan in hadii tabasho iyo dhibaato jiraan marka hore la iska waydiiyo wixii la sameyn lahaa hadii la rabo in ta xun lagu dhaqaaqana wixii laga tagi waayo la sameeyo.

Waxaa dhici karta in siyaabo kala duwan dadku u cabiraan dareenkooda marka  ay arintan oo kale soo food saarto waxaase inta badan dadku aaminsan yihiin in xoog aan cidna lagu muuqin karin oo qofkii ama cidii cadaadis xoogan la kulanta waxa ay taariikhdu dhigeysaa in ay cidaasi mar danbe sameysato ama yeelato iska caabin aakhirkan hadii ay dulqaad badan iyo aragti fog yeeshaan waxa ay ka guuleystaan cadowgooda.

Xasan Ciise


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles