Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maxaa Ka Dhaxeeya Boorama iyo Hargeysa Tartan mise Colaad? By labaqaydle

$
0
0

khadarwaxaa warbaahinta Afsoomaaliga ku soo badanaya Hadalada Ganafta leh ee lagu leeyahay dadka ku dhaqanka Gobolada Galbeedka Somaliland gaar ahaan Gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley sidaasi darteed waxaan jecelahay in aan wax yar ka yidhaahdo hadalada naxliga leh ee ka soo jeedhaya siyaasiyiiinta iyo qaar ka mid ah wariyayaasha Beesha dhexe oo bilihii ugu dambeeyey caadeystay in ay si baadhaadh ah warbaahinta uga weeraraan Beelaha degan deegaanada Awdal.

Sida aan ka war qabno taariikhda beelaha soomaalida waxaa iska caado ah in beelaha dariswadaaga ah ama oodwadaagta ah ay ka dhaxeyso tartan iyo xafiiltan dhinacayada Horumarka bilaa’aadanka ah sida siyaasada ,dhaqaalaha iyo wixii la mid ah ,sidaas darteed waxaan shakhi ku jirin in beelaha isaaq iyo gadabuusi ay ka dhaxeyso tartan dhinacyadaasi aan kor ku soo xusnay ah taasi oo sobabtay in ay beelahaasi marnaba ku midoobin dhinac siyaasada laga soo bilaabo 1959 ilaa 1991 .

Bilowgii Tartanka Beelaha Gadabursi iyo Isaaqo ee Dhinac siyaasada

1959 markii dowlada ingiriisku go’aansatay in ay xoriyada siiso Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ka dib cadaaadis iyo mudaharaad ka dhashay dhulkii reserve area ee lagu daray itoobiya ayaa dowlada ingiriisku waxay magacawday   wasiirada Hadhka (shadow ministers ) Kuwaasi oo kala ahaa

  1. Cali garaad jaamac  Harti
  2. Xaaji ibraahiim nuur  gadabursi
  3. Ahmed kayse              isaaq
  4.  Ahmed Yusuf   Isaaq

talaabadaasi waxay ka cadheysiisay siyaasi la odhan jiray Haybe oo ka soo jeeday Gobolka Saaxil kaasi oo sheegay in sobabta keentay in jufadiisa la siin waayo wasiir oo la siiyo beelaha gadabuursi maadaama wasiirkii beesha Habar awal la siiyey Axmed yuusuf ducaale oo sacad muuse ahaa .

Hadalka ka soo jeedhay siyaasi haybe waxaa aad uga cadhooday odayaashii iyo siyaasiyiinta beelaha galbeedka kuwaasi oo go’aansaday in ay xulafeysi la sameeyaan Gobolada Bari .

Laga soo bilaabo wakhtigaasi siyaasada beelaha isaaq iyo gadabursi waxay ahayd mid soo kala horjeeday oo marna aanay isku fikir noqon ilaa haatan.

Nin abwaan ah oo ka soo jeeda beelaha dhexe ayaa laga ayaa hadal ah “ gadabursi tirada ma buuxsho ,taamna ma noqon “

Ilaa dowladihii Soomaaliya beesha dhexe waxay  geed  dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay beelaha goboalda galbeedka uga  tirtiri lahayd saaxda bulshada soomaalidu isku timaado  .

Ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii itoobiya iyo Soomaaliya Waxaa sida cadceeda uga soo ifbaxay Gobolada Waqooyi jabhadihii beelaha gadabuursi oo guulo waaweyn ka soo hooyey deegaanadii ay ka dagaal galeen taasina waxay sobabtay in Xukuumadii Maxamed siyaad ay garwaaqsato tirade iyo tayada Gobolada Galbeedka isla markaasina sobabtay Magacaabistii Goboka Awdal .

Aas Aaskii Maamulka Somaliland

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqotay in Beelaha dega Gobolada waqooyin oo kala afkaar duwanaa ay isku yimaadaan magaalada Burco halkaasi laga dhawaaqo dowladii ugu horaysay ee Somaliland yeelato

Xiligaasi waxaa hakad galay tartankii  iyo xafiitankii ka dhexeeyey labadaasi beelood ee oodwadaagta  waxaanay salaadiintii iyo culimadii reer Awdal si hakar la’aan ah uga qayb qaateen nabadeynta beelaha dhexe taasina waxay soo dadajisay shirkii Boorama ee lagu dhisay Maamul Dawladeed oo dhameystiran iyo haykal dowladeedkii ugu horeeyey waxaana madaxweyne loogu doortay maxamed ibraahim Cigaal AUN,  iyo cabdiraxmaan awcali faarax .

Saami qaybsiga dowladaasi waxaa uu ahaa mid dhinac ka raran wallow markaasi kalsooni lagu qabay in dib loo sixii doono marka wakhtigeeda la gaadho .Dhimashadii  Maxamed Xaaji ibraahim cigaal iyo madaxtinimadii daahir riyaale kaahin ayaa timiday waxaanau daahir halkii ka sii amba qaaday  nimaadkii isku haynta beelaha wada dega Gobolada Waqooyiga iyo horumarinta dhinaca siyaasada bisil ee Somaliland .

 Dib U Soo Cusboonaashihii  Tartanka

Dhismaha Soomaaliland waxaa uu fursad u noqday beelaha dhexe kuwaasi oo kaga faa’idaystay in ay arimo badan hormar ka sameeyaan waxaana ka mid ahaa

  1. In ay beeshaasi dhaqaale yeelato
  2. Abuuritaanka iyo dib u dhiska magaalooyinkoodiii
  3. Dhul balaadhis dhinacyo badan leh
  4. Gacan ku haynta dhaqaalaha Soomaaliland

Markii ay talaabooyinkaasi qaadeen beelaha Gobolada Galbeedku waxay qaadeen talaabooyin ay iyagu deegaanadooda hormar kaga sameynayaan iyaga oo aan cidna la kaashan ,waxaanay gabi ahaanba hilmaameen saamigihii ay ku lahaayeen xukuumada Somaliland waxyaabaha ay qabsadeen si ay bulshada Soomaaliyeed u soo jiitaan waxaa ka mid ahaa

  1. Abuuritaankii Jaamacada Camuud oo noqotay jaamacadii ugu horaysay ee laga Aas Aas Somaliland wixii ka dambeeyey Burburkii dowladii dhexe taasi oo hormuud u noqotay in Soomaali badan waxbarasho u yimaadaan Boorama
  2. Horumarinta adeegyada Biyaha iyo Caafimaadka taasi oo noqotay waxyaabaha lagu soo hirto ee magaalada Boorama ka hirgalay

Wallow beelaha galbeedku aanay sameysan magaalooyin badan hadana waxay ku dhabar adaygeen in ay Boorama oo ah caasimada Gobolka Awdal dhistaan isla markaasina ka dhigaan meel ay Soomaalidu ku soo hirato .

Hoos u dhicii Beelaha Gadabursi ee dhinac tartanka

Beelaha gadabursi waxay mar kaliya isaga hilmaameen in tartan soo jireen ah oo dhinacyo badan lihi ka dhexeeyo beesha dhexe waxaanay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in marka ay beelaha gadabursi is qabantaan ay soo dhex galaan beelaha dhexe oo mansabyo siyaasadeed huwan kuwaasi oo aanay maskaxdooda ka maqneyn tartanka ka dhexeeya iyaga iyo beelaha galbeedkii waxaana laga xusi karaa

Khilaafkii  Beelaha gadabursi ee xiligii Ugaaska

Khilaafkii yaraa ee xiligii shirkii wadajir ee dhawr tobadabaad ka hor

Labadaasi khilaaf  waxay beelaha galbeedka ka dhigtay mid ay talada u dhiibaan beelaha dhexe is ay ugu kala garqaadaan taasi oo noqotay talo xumo  soo foodsaartay Tolka .

Salaadiiinta iyo madaxdhaqameedka beelaha galbeedka Waxaa ay awooda saareen tartanka dhexdooda ka dhaxeeya waxaanay hilmaameen oo ay dhayalsadeen tartankii ka dhexee beesha ay oodwadaagta yihiin .

Tabashadii Salaadiinta beelaha Gadabursi iyo Jawaabta Beelaha dhexe ee Togan

Salaadiinta iyo madaxdhaqameedka beelaha gadabursi ayaa afkaatoodii mideeyey wixii ka dambeeyey xiisadii Degmada Saylac taasi oo dhiig cusub galisay hogaankii dhaqanka ee beelahaasi isla markaasina ay iyaga oo dhan u soo gogol fadhiisteen madaxweyne siilaanyo ka dibna hordhigeen 25 bog oo ka kooban tabashada reer Awdal ee ku waajahan wada lahaanshaha Soomaliland  taasi oo siilaanyo iyo beesha dhexe ku noqotay laf dhuunta ka gashay .

Siilaanyo kama soo jawaaban tabashadii reer Awdal maxaa yeelay waxaa uu kalsooni buuxda ka haystaa tolkii  oo go’aankaasi isku raacsan waxaanay ka cabsi qabaan oo ay diidan yihiin in beelaha gobolada galbeedku saami  fiican ka helo Soomaliland sababahani awgeed

  1. Siyaasadii soo jireenka ah iyo fikirka beesha dhexe maaha ay sinaadaan beelaha galbeedka .
  2. Hadii Somaliland qaadato nidaamka federalismka ah beelaha galbeedku waxay helayaan saami fiican taasina waxay keenaysaa in beelaha gableedku gooni isaga taagaan beelaha dhexe maadaam ay kala beel yihiin
  3. In dadyowga Soomaaliyeed aanay arkin saami reer Awdal ku leeyihiin Somaliland hadii kale waxay xoojinaysaa saamiga ay Soomaliya  ka helayaan

 Magacaabistii Wasiir Beyle  iyo Hadalkii Suldaan Wabar .

Beelaha gadabursi waxay markii ugu horaysay dib ugu soo noqdeen saaxada siyaasada ee Soomaaliya  ka dib markii uu R/Wasaarihii hore Ee Xukuumada Federalka Soomaliya Cabdiweli sheikh Axmed uu wasiirka arimaha dibada u magaacay Dr cabdiraxma ducaale oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Awdal taasi oo dhibaaxo weyn ku noqotay beelaha dhexe oo iyaga oo Somaliland isku koobay hadana caadeystay in ay kursigaasi BEELAHA DIR  qaataan iyagu .

Dr Cabdiraxmaan Bayle waxaa uu noqotay wasiirkii ugu waxqabadka badanaa ee Soo  Mara Soomaaliya  wixii ka dambeeyey Burburkii dowladii dhexe waxaanu suurto galiyey in Muqdisho lagu qabto shirka wasiirada arimaha dibada ee Urur Goboleedka IGAD  ,waxaanu furfuray siyaasadii arimaha dibada Ee Soomaaliya kaasi oo ka qayb galay shirar badan oo Soomaliya lagaga hadlayey , dadyowga Soomaaliyeed waxay aad u soo dhaweeyeen waxqabadkiisa .

Suldaan Abiibakar cilmi wabar oo ka mid ah salaadiinta Beelaha gobolada galbeedka ayaa isaguna ku dhawaaqay in beelaha reer Awdal ay gabi ahaanka kalsoonidii kala laabteen Somaliland ka dib markii ay ka waayeen sharafkii iyo maamuuskii ay ku lahaayeen .

Hadalka suldaan wabar waxaa sida fiinta uga qayliyey siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka beelaha dhexe oo aan u garaabin tabashadii reer Awdal ee laakiin ka naxay hadalka ka soo yeedhay Suldaan wabar wallow marka tolka dhexdiisa loo yimaaado lagu kala afkaar duwanaa la tashi la’aan xaga tolka ah .

Hadalka suldaan wabar waxaa taageeray Unuga bulshada ugu badan oo ah dhalinyarada kuwaasi oo iskugu jira kuwa shaqo la’aani ku habsatay iyo kuwa kaleba oo aanay xataa salaadiinta fikirkaasi deedafeeyey aanay ku qancin Karin in ay yidhaahdaan waa khalad maadaam arinka uu suldaan wabar cuskaday yahay mid sida cadceeda u muuqda .

Labadaasi arimood waxay ka mid ahaayeen guulaha ay beelaha gadabursi ka gaadheen dhinaca siyaasada waxaanay dib ugu soo noqdeen masraxa siyaasada Soomaalida.

 Hadalada Xanafta leh ee Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta Beelaha Dhexe

 Markii ay dhaceen waxyaabahaasi aan kor ku soo xusnay isla markaasina beelaha galbeedku  dib ugu soo noqdeen saaxda siyaasada waxaa bilaaban tahay dacaayada iyo  hadalada xanafta leh ee ka soo yeedhaya siyaasiyiinta beelaha dhexe kuwaasi oo doonaya in ay bulshada soomaaliyeed ku maran habaabiyaan tirada iyo tayada beelaha gadabursi oo waqooyi iska dhaafe soomaaliya aan qarsoomi Karin .

Waxaana ka mid ahaa siyaasiyiinta arimahaasi ku kacay , siyaasi siciid sulub  oo isaga oo laga wareysanayo telefishanka universal si taban u sheegay in iyaga majoorati yihiin isaga oo ka qiyaas qaadanaya  Soomaliland isla markaasina beelaha gadabursi ku sheegaya dad laga tiro badan yahay .  sidoo kale Cabdifataax nin la yidhaahdo  ,Dr Adna Aden  iyo ugu dambeyntii suxufi la yidhaahdo maxamed ilig oo ah agaasimaha Horncable tv ayaaa booqasho ku yimiday magaalada Boorama waxaanu ka diyaariyey warbixin documentariya kaasi oo uu ku sheegay in magaalada Boorama ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 50 ilaa 70 kun  .

Isku oo wada duuboo hadaladaasi ka soo yeedhay siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta beesha dhexe maaha mid xumaan uga soo yeedhay laakiin waxay fulinayaan nidaankii iyo siyaasadeed soo jireenka ahayd eee awowyaashood ay ka dhaxleen waxaanay intaas oo dhan u sameeyeen si ay bulshada Soomaaliyeed uga qariyaan tirada iyo tayada beelaha gadabursi oo aan soomaali dhexdeeda qabsoomaynin ,

Guntii iyo gabagabadii tartanka beelaha gadabursi  ee dhinaca siyaasadu waa mid wakhtigu saacidayo oo aan inta badan lahayn qorshe waxaana loo baahan yahay in qorshe loo sameeyo oo ay dadka bulshadaasi hormuudka u ahi ay fahmaan waayaha iyo wacyiga jira tolkana u ilaaliyaan kaalinta ay bulshada kaga jiraan maxaa yeelay waxaa socota wakhti ay beel walba oo soomaaliyeed ilaashaynayso kaalinta ay kaga jirto soomaalida  dhexdeeda

Waxaan talo u soo jeedin lahaa  dadka reer Awdal gaar ahaan siyaasiyiintooda iyo salaadiintooduba in ay fahmaan in marka laga yimaada Somaliland ay jirto tartanka soo jireen ah oo ka  dhaxeeya beelaha isaaq isla markaasina aan loogu soo dhuuman shaadhka dowladeed .

Qore :  Khaddar Maxamed Xasan Labaqaydle

Emailkaaga : khadarmh@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles