Awdalpress – London – Guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay goboka Awdal ee lagu naanayso Ramaax, ayaa ahaa qurbo joog muddo degganaa dalka Maraykanka, waxana uu taageeri jiray siyaasadda Somaliland iyo xisbiga immiga talada haya ee Kulmiye. Waxa la ii sheegay in uu yahay nin saaxiibtinnimada ku fiican, oo lagu tiriyo reer magaal. Laakiin dhanka kale waxa lagu tiriyaa nin aan ka madhnayn qabyaaladda. Waaya aragnimada uu maamulka dawladeed iyo mujtamac u leeyahayna waa mid la bilaabantay muddadii uu mas’uulka ka qabtay Berbera iyo Ceerigaabo.
Waxa immga loo soo magacaabay gobolka Awdal oo aanu weligii ka shaqayn, dadka ku noolina ay yihiin dad xaddaarad leh. Waxana lagu soo dhaweyn doonaa siyaal kala geddisan, duqayduna marka hore way u kala badin doonaan, si uu mid walliba isugu dayo in uu ka kale uga dhawaado. Taasina waa dhaqanka shacabka iyo maamulka ka dhexeeya.
Laakiin xilligan oo gobolka siyaasaddiisu kacsan tahay ayaa dhici karta in uu wajaho culays kaga yimaadda shacabka. Balse sida uu uga dabbaashaa waxa ay ku xidhan tahay qaabka uu u wajaho shaqadiisa.
Faallada badhasaabka dib ayaan u dhigan doonnaa, laakiin immiga waxan idiiku soo celinaynaa, hadallo uu ugu jawaabay Prof. Alla Bari oo naqdiyey siyaasadda Somaliland, balse uu aad uga cadhooday, waxana uu Ramaax isaga oo jooga Ceerigaabo u adkaysan kari waayey hadalka Alla Bari kadibna si adag ayuu ugu jawaabay.
Halkan dib uga akhriso labada video ee is daba yaalla ee Alla bari iyo ka Ramaax ugu jawaabayo.
Dr. M Allabari oo si weyn uga hadla Somaliland iyo maamulkeeda ayaa waxa waraysi uu bixyey usbuucan laga daawaday TVyada iyo shabakadaha qaar, waxase ka cadhoodhay badhasaabka gobolka Sanaag , oo si xag jirnimo ugu jawaabay, waxana uu aad ugu gafay sharafta Dr. Allabari oo ra’yigiisa oo nadiif ah uun sheegay. Dad badan ayaana la yaabay sababta Ramaax ku kalliftay in uu caytamo, in uu qabyaaladda uu Allabari ka hadlay u difaaco si cunfi ah.
Bal si aad uga dharagto waraysiga iyo jawaab celinta Badhasaabka halkan ka daawada:
Awdalpress