War Saxaafadeed: Ku-xadgudub Xuquuqda Fikirka
(Press Release) (Violation of Intellectual Property Rights)
Toronto: February 9, 2015.
Waxa todobaadkan warbaahinta Somaliland lagu faafiyay daah-furka urur la magacbaxay Madal Aqooneed isla markaana isticmaalay magaca ARDAA kasoo lagaga dhawaaqay magaalada Hargeisa: http://harowo.com/archives/33092
Waxa Ayaan daro ah dadkan sheeganaya inay cilmi baadhis and madal aqooneed ka shaqaynayaa garanwaayaan inay baadhaan ama hubsadaan in magacan ARDAA cid kale leedahay iyo inkale. Xataa ma waxay garanwaayeen inay google search sameeyaan?
Urur weynaha ARDAA (Adal Resources & Development Assistance Association) waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu aasaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.
ARDAA waxa laga diiwaangaliyay magaalada Toronto ee dalka Canada bishii April 20, 2009ka (Ontario Corporations Number 1795070). Sidoo kale waxa laga diiwaangaliyay magaalada Hargeisa dalka Somaliland (Wasaarada Qorsheynta, registration number MNP&C/DP/37/1901/856/11 taariikhdii 12/4/2011).
Hadaba waxan uga digaynaa guruubkan Hargeisa jooga ee magaca ururkayaga qaatay inay ka waantoobaan waxa caalamka looga yaqaan Violation of Intellectual Property Rights (ku-xadgudub xuquuqda fikirka). Waxan si sharfle uga codsanaynaa inay joojiyaan isticmaalka magaca ARDAA (cease & desist), dibna anay ugu noqon arrintan.
Waxaan sidoo kale ka codsanaynaa Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarka Qaranka ee Somaliland inay tallaabada sharci ee ku haboon arintan si degdeg ah uga qaado.
Wa Billaahi Towfiiq.
Ibrahim Absiye: absiye@gmail.com.
Gudoomiyaha ARDAA ee Waqooyiga Amerika






