Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Suldaan Xiiray iyo Boqor Buur Madaw oo madal daahir yaa shamis ah si miisaaman ugu kaftamay, Oo maxay is yidhaahdeen?

$
0
0

logo-jokeOday dhaqameedyada Somaliyeed waxa lagu yaqaannay hadal aqoon, xeer Somali aqoon iyo kolba madasha la joogo oo ay hadallo is dhaafsadaan. Dhaqankii noocaasi ahaa weli ma guurin, waxana aad looga dareemaa dhulka reer Guuraaga ah.

Haddaba bal aan wada daawanno oo wada dhegeysanno madal ay isku haleeleen Boqor Buur madaw oo habar Jeclo ah iyo Suldaan Xiiray oo ka soo jeeda beesha Habar Yoonis. Waxana aad maskaxda ku sii qabataa labadan beelood oo ood wadaag ahi in ay xifaaltan iyo tartanba ka dhexeeyo.

Suldaan Xiiray oo hadalka ku horreeyey ayaa ka shanqadhiyey in uu yahay Af-hayeenka Salaadiinta Somaliland oo uu sheegto, balse uu ka war hayo in aanay jifada Subeer Awal u oggolayn afhayennimada uu sheegto. Si uu u oggolaysiiyana waxa uu xan-xanteeyey meesha ay xiisaha u qabaan, oo ah in ay isku diyaarinayaan in ay markooda soo sharraxayaan Madaxweyne ka yimaadda beeshooda. Waxana uu yidhi, ‘ Madaxweyne in aad dalkan ka noqotaanna waad doonaysaan af-hayeennimadaydana waad diiddan tihiin. Hadda ogaada cod mug lehna waan ku fadhiyaa, oo afhayeennimadayda ku xidhan,

Hadalkaa Suldaan Xiiray waxa si ba’as laad ugu dhuftay Boqor Buur Madaw oo si dadban u sheegay in Suldaan Xiiray af-hayeennimadiisu ay jirto uun inta Siilaanyo uu kursiga ku fadhiyo. Inta kale ee uu ku daba daray aan idiin kala baxo  ee nala daawada:

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images