Danjiraha dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayib Dubbad Rooble ayaa dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen tacsida guddoomiyihii baarlammaanka dalka Jabuuti, marxuum Idiris Arna’ut Cali.
Danjiraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay muujisay walaaltinnimada iyo saaxiibtinnimada taariikhiga ah ee ka dhexaysa shucuubta iyo dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sida ay uga xunyihiin geerida marxuumka.
Danjiraha ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo ugu horrayn saxiixay buugga tacsida.
Wuxuu kaloo u mahadceliyay xubno ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir, marwada madaxweynaha iyo dhammaanba saxiixeyaasha buugga tacsida oo saddex cisho ka furnaa Muqdisho.
Guddoomiyihii baarlammaanka dalka Jabuuti, Alle ha u naxariistee Idiris Arna’ut Cali ayaa dhowr cisho ka hor ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.





