Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Itoobiya: Madaxweyne Xasan Oo Qudbad Ka Jeediyay Sanad-guurada 40-aad Ee TPLF

$
0
0

Xasan-Madaxweyne1Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Itoobiya ugu qeybgalay sanad-guuradii 40-aad ee kasoo wareegatay markii uu billowday dhaqdhaqaaqa jabhaddii TPLF, oo markii dambe 1991-kii ku guuleysatay talada dalka Itoobiya.

Afhayeenka madaxweynaha Daa’uud Aweys ayaa Bar-kulan u sheegay in madaxweynaha uu maanta qudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Mekele ee xarunta qowmiyadda Tigray, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay horumar  ku tallaabsatay kadib xukuumaddii kali-taliska aheyd ee xukumi jirtay ka hor 1991-kii.

Siddeedan kun oo qof oo kamid ah shacabka Itoobiya iyo masuuliyiin ka socday dalalka Sudan, Rwanda, Uganda Jabuuti iyo kuwa kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Madaxweyne Xasan oo casuumaad rasmi ah ka helay raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa tilmaamay in bog cusub uu u furmay xiriirka dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in hadda kadib labada dal ay u billaabaneyso iskaashi dhinaca dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta guud ahaan gobolka, isagoo ugu mahadceliyay dadaalka ay dowladda Itoobiya ka geysatay nabad kusoo dabbaalidda Soomaaliya, maadaama ciidankeeda ay qeyb ka yihiin kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee (AMISOM).

Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu kulamo la qaatay madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Rwanda, Cumar Xasan Axmed Al-bashiir iyo Paul Kigame, Raysul wasaareyaasha dalalka Jabuuti iyo Uganda Cabdiqaadir Kaamil iyo Ruhakana Rugunda, islamarkaana uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashi dhinaca amniga ah.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaatay madaxda dalka Itoobiya kahor inta uusan dalka ku laaban.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images