Hargeysa(Awdalpress)Feb-2015-Guddida Somaliland u qaabilsan Wada hadalada Somaliland iyo Somalia, ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, iyagoo ka qayb galaya Shirka labada dhinac uga furmaya Magaalada Istanbul ee Carriga Turkiga. Guddida ayaa la filayaa inay safarkooda ku sii maraan Jabuuti, Sabtidana u duulaan Turkiga.
“Aniga iyo weftiga balaadhan ee ila socdaa waxaanu u baxaynaa Turkiga oo Shirkii Somaliland iyo Xamar ka furmayo, soconayana Axadda iyo Isniinta, waxaana halkaas aanu kula shiraynaa Dawladda Muqdisho, waxaanan filaynaa inaanu Guulo ka keenno” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay Madaarka Hargeysa.
Wasiirka oo Warfidiyeennadu su’aaleen in Somalia weftiga ka socda ay ku jiraan xubno Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland waxa uu ku jawaabay “Sidaad la socoto Wada hadaladu waxay u dhexeeyaan Somaliland iyo Somalia, oo laba waddan oo kala geddisan ah, oo xuduud mucayin ah leh, cidda aanu la shiraynaana waa dad Xamar ka yimid oo shaqo naguma leh dad Isirkooda hore Somaliland ahaa waayo? Wada hadalka ayaa ah Somaliland iyo Somalia”
Wasiirka oo la waydiiyay waxyaabaha ay kulanka ka filan karaan iyo sababaha ay u hirgali waayeen Qodobadii hore loogu heshiiyay waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Somaliland Guulo kala soo laabto Shirka. Waxa uu sheegay in Wasiirada Duulista Hawada labada dhinac iyo Guddiyo farsamo si gaar ah uga wada hadli doonaan Arrinta Maamulkak Hawadda.
Waftigan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaa Wahelinayey Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.
RMS





