Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mareykanka oo sheegay inuu horumarinayo warbaahinta Soomaaliya

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Nairobi kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya H.E. James P. McAnulty, Ku xigeenkiisa Brian Phipps iyo Madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay marxaladda dalku marayo iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka iyo qorsheyaasha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska.

Wasiir Maareeye ayaa yiri: “Mareykanka waxay horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya. Waxaana ku faraxsannahay in kulankeenna uu ahaa mid muhiim u ah warbaahinta dalka oo ay ku jiraan warbaahinta madaxa-bannaan.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ku fasaxsan tahay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameynayso dawladda Soomaaliya iyo in ay ka go’antahay sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo horumar ballaaran ka sameeya dhan walba, tanoo ah mid Mareykanka iyo caalamkaba dan u wada ah.

Wasiir Maareeye ayaa maalmahan waday dadaallo lagu horumarinayo warbaahinta dalka, isla markaasna dib u eegis ku sameynayey qorshaha iyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka. Arrimaha u qorsheysan Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ah tayeynta warbaahinta dalka, wacyigelinta bulshada, isku xirka bulshada iyo Dowladda iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah, si shacabka ay aayahooda uga tashadaaan.

 RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images